Roobkii Gu’ga oo ka Curtay Magaaladda Hargeysa iyo Nawaaxigeeda

0
551

Hargeysa (Dawan) Raxmaadkii ILLAAHEY ayaa maanta abaaro 3:50 daqiiqo ka curtay magaalada Hargeysa.

Roobkani oo muddo kooban da’ayay ayaa bulshaweynta magaalada Hargeysi ay aad ugu diirsaddeen.

Maalmihii u danbeeyay waxaa jiray kuleyl, iyo biyo yaraan ka jiray qaar ka mida xaafaddaha magaalada Hargeysa.

Waana maalintii koowaad ee Roobka Gu’gu uu ka da’ay magaalada Hargeysa iyo xawaaxigeeda, iyadda oo maalinkii shalay uun ay aheyd markii uu sidan oo kale uga da’ay roob aan sidaasi u badneyn magaalada Borama.

Sawirka Raxmaadkii Eebe oo ka Curtay magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda, xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Khadarhoryaal@gmail.com

Leave a Reply