Laascaanood: Dawladda Hoose Oo Qorshe Bulshadda Soo Jiitay Kaga Hor Tegaysa Corona Virus

0
533

Laascaanood (Dawan): Dawladda hoose ee degmadda Laascaanood ayaa suuqyadda magaaladaasi iyo meelaha dadweynuhu isugu yimaadaan dhigtay qalab kala duwan oo lagaga hortegayo xanuunka Corona Virus.

Qalabkaasi oo ka kooban 100 xabadood oo ah Taangiyadda lagu Fara-xasho, Saabuunta Gacmaha lagu dhaqo iyo waxyaabo kale oo nadaafadda bulshadda kor loogu qaadayo ayaa looga danleeyahay sidii bulshadda loogu wacyigelin lahaa xanuunka dunida aafeeyay ee Corona Virus.

Goobaha la dhigay qalabkan Faro-xalka, Saabuunta, iyo waxyaabaha kale waxaa ka mida xarunta gobolka Sool, xarunta dawladda hoose ee Laascaanood, Sarriibadaha, Masaajidadda iyo goobaha kale ee bulshadu isugu yimaadaan.

Ol’ole balaadhan oo maanta laga fuliyay qaybaha kala duwan ee suuqyadda magaaladda Laascaanood   waxaa ka qayb qaatay maamaulka gobolka Sool iyo degmadda Laascaanood.

Waxyaabahan lagaga gaashaamanayo ka hor taga Corona Virus ayaa sidoo kale la dhigay Kaantarooladda laga soo galo iyo kuwa laga baxo ee magaaladda Lascaanood.

Sida uu sheegay maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, oo ka warbixiyay ol’olahan lagaga hor tegayo Virus-ka Covid 19.  Waxaanu yidhi, “Qodobadda aanu qaadanay ka degmadda Laascaanood, waa in dadku ay quraan akhris sameeyaan, oo ILLAAHAY baryaan.

Waxa kaloo ka mida qodobadda aanu qaadanay, goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan, ee guud ahaanba magaaladda Laascaanood in aanu dhignay qalab lagu faro-xalanayo, oo ay Saabuuntu ka mid tahay.

Si dadku ay nadaafadoodda kor ugu qaadaan. Si ay Gacmaha isaga maydhaan. Dadweynaha-na aad iyo aad ayaanu u wacyigelinay. In aan la isugu iman shirarka, meelaha buuqa ah, Siminaarrada, intaba in dadku ka yaraadaan. Meelaha bulshadda badankeedu isugu timaado”.

Sidoo kale maayarka Laascaanood ayaa hadlay goobaha ay dhigeen qalabkaasi, isagoona fariin u diray bulshadda Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool.

“Meelaha aanu qalabka faro-xalka dhignay, way fara badan yihiin. Dawladda hoose ayaa ka mid ah, xarunta gobolka, Masaajidyadda, suuqyadda Hilibleyaasha iyo Sarriibadaha.

Waxaa ka mid ah meelaha dadku ku badan yihiin ee badhatamaha magaaladda ah.  Waxaa ka mid ah Kaantarooladda magaaladda Laascaanood laga soo gallo iyo kuwa laga baxo.

Fariinta aanu bulshadda u diraynaa, waxa weeye, dadku in ay is ilaaliyaan, oo qof waliba is-dhawro”ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

Qalabkan kala duwan ee lagaga gaashaamanayo Corona Virus ee la dhigay goobaha badan, waxaa maalgelisay dawladda hoose ee Laascaanood.

Sida uu sheegay maayarku, waxaanu yidhi  “Qalabka cid naga caawisay ma jirto. Dawladda hoose ee Laascaanood ayaa samaysay. Waa cashuurtii aanu dadka ka qaadaynay, oo aanu dib ugu celinayno caafimaadkoodii”.

Geesta kale maayarka Laascaanood, waxa uu faahfaahin ka bixiyay muhiimadda ay bulshadda u leedahay qalabkan iyo waxyaabaha kale ee ay suuqyadda Laascaanood.

Waxaanu yidhi, “Haddii uu qofku Saabuunta Gacmaha isaga dhaqo ama maydho, wacyigelintayadda ayay ka mid tahay.

Waxaan rejaynaynaa qalabkan aan soo kordhinay, ee goobaha magaaladda Laascaanood ka midka ah aanu dhignay, in uu wax badan ka tari karro ka hor taga xanuunka. Laascaanood iyo gobolka Sool shacbi-weynaha ku nool”.

Dhinaca kale C/casiis Taarwale, waxa uu sheegay in iyagoo fulinaya awaamiirta guddiga heer qaran eek a hor taga xanuunka Corona Virus in ay xidhan yihiin dhamaanba goobaha waxbarashadda ee magaaladda Laascaanood.

“Goobaha waxbarashadu way xidhan yihiin. Dugsiyadda, jaamacadaha, Machadyadda, Malcaamadaha, intuba way xidhan yihiin. Bulshadda Laascaanood, waan uga mahad celinayaa sida ay awaamiirta dawliga ah u fuliyeen, si xanuunkaa looga hor tago”ayuu yidhi C/casiis Taarwale.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply