Akhri —- Xisbiga UCID oo Loo Magacaabay Xoghaye Cusub

0
573

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Xoghaye cusub u magacaabay golaha dhexe ee xisbigaasi, ka dib markii uu iscasilay xoghayihii hore ee xisbigaasi, Jiir Cali Madoobe.

Guddoomiyaha UCID ayaa xoghayaha cusub ee Golaha dhexe ee Xisbiga UCID u Magacaabay Masuul Magaciisu yahay Muxyadiin Cabdiraxmaan Cali.

Sidaana waxa lagu shaaciyey Wareegto uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, taasi oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Mareegta Dawan.

Sawirka xarunta dhexe ee xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Waa waraaqdii golaha dhexe ee xisbiga UCID loogu magacaabay xughayaha cusub, ee soo gaadhay xafiiska warqabadka Mareegta Dawan

 

Leave a Reply