Burco: Xildhibaan Bidhi Oo Daawooyin iyo Agab Caafimaad Gaadhsiiyay Xaafadda 18-ka May

0
486

Burco (Dawan): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha deegaanka Burco ayaa maanta daawooyin iyo qalabka nadaafadda gaadhsiiyay dadka barokaceyaasha ah ee degan xaafadda 18-ka May ee magaaladda Burco.

Xaafadda 18-ka May ee magaaladda Burco oo ay ku nool yihiin qoysas barokaceyaal oo tiradoodu gaadhayso 2000 oo qoys ayaa ka mid ahaa dadkii ay dawladda hoose ee Burco ka soo rarrtay xaafadda Fadh-fadhiisay ee garoonka diyaaradaha Burco.

Bulshadda ku nool xaafadda 18-ka May ayaa qaba baahiyo kala duwan oo dhinaca nolosha ah, sida biyo la’aan, caafimaad la’aan, waxbarasho la’aan iyo waxyaabaha nolosha aadanaha aasaasiga u ah.

Agabkaasi caafimaad iyo daawooyinkaasi ayuu xildhibaan Bidhi, ku wareejiyay guddiga xaafadaasi. Iyadoo dadweynaha xaafadaasi ay si weyn ugaga mahad celiyeen xildhibaanka caawimadda uu soo gaadhsiiyay.

Xildhiban Mubaarig Bidhi, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba in ay wax ka qabtaan baahiyaha nololeed ee kala ee haysta bulshadda xaafadda 18-ka May ee Burco.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply