Ganacsatada Suuqa Waaheen ee Hargaysa oo si Maalinle ah u Daboola Baahida khudrada ee Cisbitalka Dhimirka Hargaysa

0
929

Hargeysa (Dawan) Magaalada Hargeysa ganacsatadda khudradda iibiya ee suuqa weyn ee Waaheen, ayaa si joogta ah ah u siiya khudradda Iidaanka looga dhigo u siiya, bukaanada cisbitaalka dhimirka ee magaalada Hargeysa.

Dadaaladan ayaa soo socday todobadii sano ee ugu danbeeyay, waxaana maamulka cisbitaalku ay sheegeen in tabarucaadka khudradda ee suuqa ay ka hellaan subax walba ay ugu fadhido kaalin weyn.

Hooyada qoys ka kooban toddobo iyo toban qof,  Foosiyo Xirsi Cilmi oo dukaan yar oo khudradda lagu iibiyo ku dhex leh suuqa Waaheen ee magaalada Hargaysa, waxay ka mid tahay ganacsato muddo toddobo sano ah ku hawlanaa in adeegga maalin-laha ah ee loo isticmaalo iidaanka ay subax walba si joogta ah uga caawiyaan dadka dhimirka qaba ee ku jira cisbitalka magaalada Hargaysa.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay qabatintay in ay subax walba ka qayb-qaadato adeegga iyada oo nooc walba oo khudrada ay iibiso ah ku biirisa kaaryoon lagula dhex wareego suuqa oo adeegga loogu aruuriyo qaybta dhimirka ee cisbitalka “Dadkan dhimirka ka xannuusanaya anaga ayaa niyaddayada ku keenay, markii nala yidhi bariis cad ayaa loogu shuba in aanu anagu khudrada ka bixino, Basasha waanu cantoobnaa Baradhadana waanu cantoobnaa, Kaaryoonka ama Gaadhi Gacanka, oo buuxsamey ayaa la qaada, ma miisno waayo wixii aad sadaqo ula baxeyso waxbaba lama miise sidaasi ayaan u xantoobiyaa marka ay ila kulmaan basasha ayaan ku rida tamaandhadaan ku rida, baradhada ayaan ku rida, qajigaan ku rida, baytaraafka ayaan ku ridaa”

Ma jiro qof qoyskeeda ka mid ah, oo ku jira bukaanka dhimirka ee cisbitalkan, Foosiyo waxay sheegtay in dadaalka noocan ah ay aad ugu faraxsantahay in ay sii waddo.

In kastoo dukaankeedu aanu ahayn mid weyn hadana  masruufka qoyskeeda balaadhan ayay Hooyo Foosiya ka soo saarta dukaankeedan khudradda ee ay caawimaada ay  ka bixiso.

Buukannada qaybta dhimirka cisbitalka Hargaysa ayaa xilligan ah 75 rag ah iyo 30 dumar ah, kuwaas oo xannaanaynta, daawadda iyo adeegyada kale ee nolosha asaasiga u ah ay ka taageerto xukuumadda Soomaaliland, in kastoo dhaqaalahaas uu yahay mid aan kaafin karin baahida guud ee xarunta ka jirta sida uu Raadiyo Ergo u sheegay agaasimaha waaxda dhimirka ee cibitalka Hargaysa Dr. Mustafe Xuseen Xirsi.

Wuxuu xusay in khudradda ay ka helaan suuqa Waaheen ay si weyn u dhintay culayska dhinaca cuntada ee muddo dheer ka jiray xaruunta “Ganacstadda Waaheen waxaa ay noo keenan khudrada loogu iidaamayo cuntadda ay cunnaan, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqaya waana culeys ay naga furteen, imika laba saddex cisho oo uu maqna wiilkii soo qaadi jiray oo Tooray lagu dhuftay bariis cad ayay cunayeen, dhab ahaantiina qolo aanu ka maarmeyno maaha, cisbitaalkan dhimirkuna waxaa uu ka dhiman laayahay waa bulshadda, runta marka laga hadlo halku ka socda waa bulshdaa”

Noocyada khudradda sida basasha, basbaaska, kaabashka, tamaandhada, baradhada, liinta, waxyaalaha cuntada lagu carfiyo iyo miraha la cuno sida cambaraha, liin macaanta, batiikha iyo wixii la mid ah ayaa cisbitalka dhimirku si joogto ah uga hela suuqaan.

Waa iidaanka keliya ee cisbitalkuba ku tiirsan yahay sida uu sheegay Dr Mustafe Xuseen.

Ururka khudralayada suuqan Waaheen oo iyagu u xilsaaran hubinta in subax walba adeeggu uu gaadho cisbitalka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in markii ay go’aansadeen tabarucaadkan toddobo sano ka hor ay qof u shaqaalaysiiyeen aruurinta khudradda, kaas oo ay bil walba ururka oo dhaqaale ka aruuriya ganacsatada ay siiyaan mushaar $150, sida uu sheegay Gudoomiyaha ururka khudralayda suuqa Waaheen ee Iidaan mudane Cabdifaaax Axmed Muxumed “Wiilku marka uu subixi yimaado waxaa uu ku bilaabaya khudradleyda suuqa ka ganacsata, qof walibana waxaa uu soo qaadaya hal xabbo oo Qasaaca ah, hal xabbo oo Tamaandho ah, hal xabbo oo Baradho ah, hal xabbo oo Basala, qof walba waxaan waxba yeelan oo ajar iyo xasanaad u ah ayuu bilaabaya, salaada hore ayuu la dhex qaadaya kadib waxaa uu soo xareynaya kaaryoon ama gaadhi gacan oo buxa oo wax waliba ay saaran yihiin. Meel dhexe baa la isugu keenaa oo lagu habeeyaa dabadeedna waxaa dhacaysa cisbitalka ayaa u soo dira baabur qaada”

Tababurcaadka ganacsatada suuqan wuxuu ku bilawday cabasho ahayd in baahi weyni ay ka jirto dhinaca iidaanka cuntada kala duwan ee loo kariyo dadka bukaannada dhimirka ah ee ku jira cisbitalka Hargaysa.

Gudoomiyaha ururka khudradlaydu wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in markii ay baahida jirta xaqiiqsadeen ay ku qaadatay muddo toban cisho ah in ay dadka suuqan ku ganacsatada oo kumannaan ah ay ku qanciyaan doorka ka qaateen ka jawaabidda cunto “Maadama intaas oo kun dad badani ay ka ganacsadaan suuqi, waxaa ay marka noqoneysa in si fudud, lama wada gaadho suuqi, oo gabi ahaan isaga ayaan gaadhinba, qayb ayaaba dihin oo aanan weli imika suuqa gaadhin, in kooban ayuu ka soo buuxsaddaa oo baahidiisa uu ka daboosha, intaasi ayuu kaga soo baxaaba, sidii ugu fududeyd ee aanu arrinkaasi u qaban laheyn, wixiina ay u sii jirilahaayeen ee ay u sii waarilahaayeen waxaa ay noqotay in gaadhi gacankaasi amaa (kaaryoonkaasi) la sameeyo kaaryoonkaasi marka la sameeyana mushaharkiisi dusha la saarto”

Ganacsatada suuqani kuma eka khudradda oo keliya, Foosiya Xirsi waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in xilliyada munaasabadaha ummadu u dabaal-degto ay ka qayb-qaadato dadaalo kale oo dheeri ah oo ay ganacsatadu u fidiyaan bukaanadda sida in ay u iibiyaan dharka ciidda, sabuun iyo saliido ay marsadaan.

Sacad Cabdi Ibrahim 25 jir ah oo dukaan yar isna ku leh suuqa Waaheen wuxuu sheegay in ay ganacasatada qaarkood sida isaga oo kale ay iska xilsaaraan in ay xaliyaan cabashooyinka khudralayda uu kala kulmo wiilka qaabilsan arruurinta khudrada, si tabaruca uusan u hakan “Qaaabka aanu u urrurino waxaa ka mida, in wiilka urrurinaya aanan waxba u xadidin ee wixii aanu awoodi karno aanu ugu ridno, haday noqon laheyd basal, haday noqon laheyd kaabash, haday noqon laheyd tamaandho, kala kaan alaab kala du-duwan. Haday cabasho noqotana aanu nidhaahno maxaad ka cabaneysa oo aanu yara dhiirigelino, si aanu uga niyad jabin alaabta uu urrurinayo”

Dadka ku jira cisbitalka dhimirka ee Hargaysa ayaa isugu jira kuwa ay eheladooda keeneen, kuwana boolisku ka soo aruuriyeen jidadka oo qaarkood aan eheladoodii la garayn iyo  qaar ay shaqaalaha xaruuntu keenaan, sida uu sheegay Dr. Mustafe Xuseen.

Xigasho Radio Ergo

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka Sacad Cabdi Ibrahim kana mida khudradleyda suuqa Waaheen, xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply