“Somaliland iyadaa u Madax bannaan Hawadeeda, Cid la wadaagtaana ma Jirto”

0
476

Hargeysa (Dawan) Maareeyaha guud ee hay’adda duulimaadayada iyo madaarada Somaliland Cabdi Maxamuud Rodal oo warbaahinta kula hadlay caasimadda ayaa sheegay in Somaliland hawadeeda xor u tahay si lamid ah sida ay u maamusho xuduudaha dhulka iyo badda.

Maareeyuhu waxa uu sheegay in xukuumadda Muqdisho isku dayayso inay khal-khal galiso Somaliland taasina aanay suuro gal ahayn isla markaana ay aduunka u sheegayaan in Somaliland masuul ka tahay Hawadeeda iyo nabad gelyadeeda sidoo kalena ay Somaliland leedahay amarka ay diyaaradaha caalamiga ahi ku iman karaan dalka isla markaana lagaga joojin karo cidii imanaysa.

Maareeyaha guud ee hay’adda duulimaadayada iyo madaarada Somaliland Cabdi Maxamuud Rodal waxa uu intaa ku daray in JSL ay tixgalinayso jaarnimada iyo wada socodka caalamiga ah Shirkad kastaana ay u furan tahay inay diyaaradaheedu kasoo dagaan madaarada dalka JSL marka laga ciddii ay xukuumaddu ka joojisay inay dalka kasoo dagaan.

Halkan ka Daawo

 

Leave a Reply