Daawo 17 Ceel-biyood oo Daadkii Xalay Dumiyey iyo Qaylo dhaanta Bulshada Deegaanka Biyo Shalax-shalax

0
1080

Hargeysa (Dawan) 17 Ceel biyood oo ku yaala deegaanka Biyo Shalax-shalax oo ka tirsan degmadda Halaya ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa daadad ka dhashay roob shalay ka da’ay magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeedu ay dumiyeen 17 ceel biyood.
Aabo qoyskii ka kooban yahay 8 Maxamuud Axmed Muxumed, kana mida dadka deegaanka Biyo Shalax-shalax ayaa ka mida bulshada deegaanka ee ceelashii mudada badan ay dib u dhiska ku sameynayeen ku waayay daadadkii soo maray dooxa weyn ee magaalada Hargeysa, kaas oo dumiyey 17 ceel oo uu kiisu ka mid yahay.
Waxaa bulshada deegaankani ee ceelashu ay ka dumeen ay xukuumadda Somaliland ka codsatay in wax looga qabto dhibta ka soo gaadhay ceelashi ay mudada badan dhismahooda iyo dayactirkooda ku hawlanaayeen.
Aabo Maxamuud Axmed Muxumed isaga oo ka hadlaya sida uu ugu hungoobay ceelkii uu qoyskiisa ka masruufi jiray waxaa uu yidhi “Halkan waxaa igaga jiray ceel aan muddo toban sano isticmaalayay, deetana Niistii ayuu dooxi ka raray, dibada ayaanu deetana u soo baxay kadibna Jiilaalkii ayaan is idhi dib u qodo, markii aan qoday ee aan dhammeystiray ee aan Jaajuurkii soo saaray ee shubkii soo saaray, maalintii aan faraha ka qaaday ee aan islahaa isticmaal ayuu daadkii soo maray deetana wuu isku fadhiistay oo wuu dumay.
Marka waaka mushiinkii iyo tuunbadii ay ku jiraan, deegaanki waa Biyo Shalax-shalax ee degmadda Halaya, ceelkani waxaa aanu ka dhaamin jirnay booyadaha biyaha, marka biyuhu xoog u badan yihiina waxaa aanu ku istaadhan jirnay beeraha, sanadkan wax shaqo ah oo danbe ceelkani malaha, Jilaalka danbe ayaa lala sugayaa, kharash badan ayaa galaya wixii oo dhan ayaa laga soo gurayaa, hadana waala qodayaa, shan joog ayuu hoos u ahaa”
Aabo Maxamuud waxaa uu is dultaagay faa’iidada uu ceel biyoodkani uu daadku dumiyey qoyskiisa iyo bulshadda inteeda kaleba u lahaa waxaanu yidhi “Faa’iidada ceelkani ii lahaa waxaa ka mida qoyskeyga ayuu masaarif u ahaa, biyaha aanu iibino ayaanu waxooga lacaga ka heli jirnay waanu iska masaarifsan jirnay oo masaarif kaleba maanan heyn”

Sawirka Aabo Maxamuud Axmed Muxumed kana mida bulshada deegaanka Biyo Shalax-shalax waxaa ka dumay ceel biyoodkiisi sida idiin muqata, waxa uu ka masruufi jiray 8 caruura, beertiisana wuu ka waraabin jiray xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka Ceel biyood kale oo isna dumay kana mida deegaanka Biyo Shalax-shalax ee degmada Halayo
Sawirka qaar ka mida bulshada deegaanka Biyo Shalax-shalax ee daadkii xalay ceelasha uu ka dumiyay oo fariin u diraya xukuumadda Somaliland kana codsaday gurmad
Sawirka Ceel biyood kale oo isna aasmay kana mida ceel biyoodyadii booyadaha qaar ka mida bulshada magaalada Hargeysi ay ka cabto laga soo dhaamin jiray
Sawirka qaar ka mida bulshada deegaanka Biyo Shalax-shalax oo baadi goobaya ceelashii uu daadku ka aasay
Sawirkana waa mid kale oo ka mida ceelasha uu soo saaray daadkii meesha maray, waxaanay bulshada ceelkani dushiisa ka hadlay ay dalbadeen in dhibta soo gaadhay wax looga qabto
Sawirkani waa Maxamed Cali Warsame oo isna dul jooga ceelkii uu tacabka badani ka galay, balse uu dumiyey daad xalay dooxa soo maray
Sawirka Ceel biyood kale oo iska ka mida ceelasha lagu waayay daadkii xalay dooxa soo maray

Dhammaan sawiradda hada idiin muuqda waa kuwo ka turjumaya xaqiiqda dhabta ah ka dhalatay daadkii xalay maray dooxa Hargeysa.

Sidoo kale bulshada deegaankani waxaa ay sheegeen in ay baahi weyn u qabaan, helitaanka xarun Hooyadda iyo Dhallaanka ah, dugsi sare iyo in loo sameeyo maalgalin dhinaca beeraha iyo biyaha intaba ah.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply