Dawladda Hoose ee Burco oo Digniin u Dirtay Jaadleyaasha Qaadayna Tallaabooyin Kor Loogu Qaadayo Nadaafadda

0
718

“Jaadku dhibaato badan ayuu ku hayaa magaalada’waxaanu kor u qaadnay nadaafadda guud ee magaalada illaa kawaanada hilibka iyo qudaartana joogto ayaan uga shaqayna.”Xoghayaha dawladda hoose ee Burco waraysi gaar ah

Faysal Xiis Afgaab

Burco(Dawan):- Dawladda hoose ee degmada Burco,ayaa digniin adag u dirtay jaadleyaasha gaar ahaan gaadiidka magaalada Burco qaadka geeya oo ay fartay in ay u hoggaansamaan amarka lagu soo ro9gay ee lagaga mamnuucay n ay gudaha magaalada jaadka soo geliyaan iyadoo loo asteeyay xero jaad magaalada ka baxsan oo loogu talo galay in gaadiidka jaadka geeya Burco in ay halkaa ku dejiyaan.

Waxaa kale oo maamulka dawladda hoose ee degmada Burco ay qaadeen tallaabooyin kor loogu qaadanayo guud ahaan nadaafadda magaalada Burco iyagoo si joogto ah u bilaabay in ay u buufiyaan nadaafaddooda ula socdaan dhammaan suuqyada magaalada Burco gaar ahaan kawaanada Hilibka,Caanaha iyo Qudaarta.

Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Burco Cismaan Maxamed Sheekh Cismaan Nuur oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan isagoo ku sugan xarunta gobolka Togdheer ee Burco waxaa kale oo uu ka hadlay sida ay booliska,gudida

horumarinta gobolka Togdheer iyo dawladda hoose ee Burco iskaga kaashadaan la dagaalanka Maandooriyeyaasha oo uu tibaaxay in ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan ciidanka boolisku daroogo tiro badan oo magaalada la soo gelinayay oo isugu jirtay maandooriyeaasha Khamriga iyo Xshiishadda.

Ugu horrayn Xoghaya oo ka hadlayay siday ugu diyaar garoobeen ka dawlad hoose ahaan ka hortagga cudurka Coronavirus iyo tallaabooyinka ay qaadeen,ayaa yidhi. “horta marka ugu horraysa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxay leedahay meelo badan oo laga soo galo waxaana yimaadda dad ganacsato ah oo ka yimaadda Soomaaliya iyo Itoobiya markaa tallaabada ugu horraysa ee aanu qaadnay waxay ahayd annaga(Dawladda hoose ee Burco) iyo wasaaradda horumarinta Caafimaadka oo wada shaqaynaynaa in aanu ka hor tagno in ay magaalada soo galaan dad aan la baadhin oo ka yimi dalalka cudurku uu ka jiro si aanay magaalada u soo gelin cid xannuunka

qabta,tallaabada labaad ee aanu qaadnay waxa weeye in nadaafada magaalada aanu kor u qaadnay oo aanay samaynay olole ballaadhan oo nadaafadeed isla markaana ay si joogto ah u shaqaynaaan gaadiidkii iyo shaqaalihii dawladda hoose isla markaana waxaanu maalin kasta buufinaa oo aanu nadaafadooda aanu la soconaa kawaanada hilibka,qudaarta iyo caanaha,waxaa kale oo aanu samaynay wacyi gelin ballaadhan oo aanu bulshada kula hadalayno oo aanu ugu sheegayno in ay kor u qaadaan nadaafadooda,midda kale waxaa hir galay amarkii ka soo baxay gudida ka hor tagga xanuunka oo waxaan joojinay dhammaan xafladihii iyo isu imaatinkii dadka,waxa keliya ee aan wali hir gelin waa xidhitaankii marfashyada qaadka inkastoo kuwaa laftooda dadkii aad uga yaraadeen.”

Waxaa kale oo uu ka hadlay Xoghayaha dawladda hoose ee Burco amar ay ku soo rogeen gaadiidka jaadka geeya magaalada Burco oo uu sheegay in ay dhib weyn ku qabaan isla markaana ay halis ku yihiin magaalada. “waxaa jirtay in aanu go,aan ka soo

saarnay baabuurta magaalada jaadka keena oo dhib wayn magaalada ku haya oo xawaaraha ay ku suconayaan uu halis ku yahay dadka iyo duunyadaba isla markaana qasaare badan geystay oo ay ka soo cawdeen dadkii bukaanka ahaa ee cisbitaalada ku jiray markay soo qayliyaan iyadoo hoon aad u dhawaaq dheerna uu ku xidhan yahay,markaa annagoo ka hor tegayna in qasaare ka yimaado ayaan u samaynay xero jaadka lagu rogo oo koonaha magaalada ah laakiin amarkii umay hoggaansamin oo fawdo ayay ku dhaqaaqeen laakiin imikana waxaan faraynaa in ay amarka dawladda hoose iyo ka maamulka gobolka u hoggaansamaan oo ay ku rogaan jaadka xero jaadka aanu u diyaarinay ee koonaha magaalada ah ,waxaanan u kiraynay geerash weyn oo intaan magaalada la soo gelin ah halkaas ayay ku rogayaan todobaadka soo socdana halkaas ayaan ku xeraynaynaa waxaana qaadka magaalada soo gelinaya baabuurta yar yar oo dadka iibiyaa ay ku soo qaadanayaan.”

Xoghayaha oo ka hadlayay mashaariicda hadda socota ee dhakhso u dhammaanaya ayaa yidhi. “labadii biriij ee hore qasaaruhu u soo gaadhay waa la dayactiray oo way shaqaynayaan biriijkii Plasca iyo Oktoobar isku xudhayayna meel wacan ayuu marayaa oo inta dhammaystirkiisa ka hadhsanna Madaxweynaha oo ballan qaaday ayaan ka sugaynaa,biriij lugood Ceel-gooni ahaa oo dawladda hoose hore u dhistay oo sannadkii hore go,ayna gacantaan ku haynaa,waxaa kale oo aanu diyaarinay kol haddii roobabkii curteen oo heegan noogu jira cagafyadii waawaynaa iyo booyaddii aanu ku qaadi lahayn hadday biyo meelaha qaar istaagaan.”

Mar uu ka hadlayay dagaal ay la galeen maandooriyeyaasha Khamriga iyo xashiishada,ayuu yidhi. “Gobolka Togdheer iyo degmada Burco waxay leeyihiin waddooyin badan oo laga soo galo taasina waxay sababtay in maandooyeyaal badani in ay meelo kala duwan ka soo galaan laakiin ciidanka booliska,dawladda hoose iyo gudida horumarinta gobolka Togdheer oo ah guddi aad u wanaagsan oo

ah dad si iskaa wax u qabso ah gobolka uga hsaqeeya wanaagiisa ayaa si wayn iskaga kaashaday la dagaalanka Maandooriyaha waxaanay boolisku soo qabtaan maandooriyeyaal siyaabo kala duwan magaalada loosoo galinayo waanay ku ammaanan yihiin ciidanka boolisku siday daroogada ula dagaalamayaan.”ayuu yidhi Xoghaya dawladda hoose ee Degmada Burco oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan.

 

Leave a Reply