Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo Bulshada Farriin u Dirtay

0
427

“Xilli roobaadkii ayaa inoo bilaabmay waxaana loo baahan yahay in la sii laban laabo nadaafadda” Dr Xergeeye

Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa(Dawan):- Agaasimaha guud ee waaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye,oo u waramay wargeyska Dawan,ayaa caddeeyay in Somaliland ka fayawdahay xannuunka Corona Virus isla markaana ay si joogto ah u wadaan baadhitaanka dhammaan dadka dalka soo gelaya meel kasta oo ay kazoo galaanna ay la socdaan.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay farriin uu u diray bulshada Somaliland oo la xidhiidha xilli roobaadka iyo nadaafadda. “waxaanu ku jirnaa hawlgalkii iyo heegankii qaran ee aanu kula soconay dadka dalka soo gelaya oo meelo kala duwan ka soo gala hadday xuduudaha tahay iyo hadday madaarada tahayba qof kasta oo dalka soo gelayana toos ayaan u baadhnaa illaa imikana ma hayno qof xannuunka qaba oo dalka soo gelayay iyo mid aanu uga shakino

toona laakiin hawl galko wuu soconaya oo inta halsitu adduunka ka jirto digtoonidaas ayaynu ku jiraynaa inkastoo aanu Somaliland cudurku ka jirin haddana is dhigan mayno ee waynu shaqaynaynaa oo wacyi gelinta iyo iska hubinta dadka dalka soo gelayaba waynu wadaynaa.”

Agaasmaha guud ee oa kadhayay farriin caafimaad oo u bulshada u diray,ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sii laban laabo kor u qaadista nadaafadad xilli roobaadka si looga hor tago in uu shuban iga dilaaco meelaha qaar,waxaanu yidhi. “waxaynu galnay xilli roobaad xilliyada roobkana waxaa jira xannuuno dillaaca oo ay ka mid yihiin shubanka iyo kaneecadu markaa waxa loo baahan yahay in dadku ay kor u qaadaan nadaafada isla markaana ay qashinka ka illaaliyaan meelaha biyo mareenka ah si aanay halkaa qashinka iyo biyuhu isula falgelin oo aanay biyuhu isu taagn ka dibna aanay uga dhalan cudurada shubanka iyo kaneecadu,waxaana loo baahan yahay in aad loo joogteeyo fayadhawrka qof,qoys iyo guud ahaan bulshadaba.”

Leave a Reply