Magaalada New York Cabsida feyraska Corona Oo Sii Kordhaysa

0
493

New York (Dawan)- Duqa magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ka digay in xaaladda xanuunka corona ay kasii dari doonta maalmaha soo socda, haddii aanay wax isbadelin.

Digniintan ayuu ku sababeeyay agabka caafimaadka ee hadda ay heystaan oo uu sheegay in uu gabaabsi yahay, haddii aan wax laga qabaninna ay xaaladda kasii dari doonto.

“Qalabka caafimmaad ee aan heysano wuxuu ina gaarsiin karaa 10-ka malamood ee soo socota, oo ka dib xaaladda way kasii dari kartaa,” ayuu yiri Bill de Blasio.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay aad ugu baahan yihiin qalabka cawiya dadka uu naqaska ku dhago oo uu sheegay in haddii aanan la helin ay dad badan u dhiman karaan fayraskan.

Gobolka New York ayaa kamid ah meelaha uu sida aadka ah ugu faafay xanuunka corona, waxaana halkaas laga soo sheegay kala bar kiisaska lagu arkay Mareykanka.

Mareykanka wuxuu hadda xaqiijiyay in dad gaaraya 31,057 ay qabaan xanuunka, halka 390 qofna ay u dhinteen.

Maalma kahor, barasaabka gobolka New York, Andrew Cuomo ayaa xaqiijiyay in dad gaaraya 15,168 laga helay xanuunka, taas oo ka dhigan in tiradii hore ay ku korortay illa afar kun oo qof.

“Dadka Mareykanka waa in runta loo sheegaa,” ayuu yiri Mr de Blasio oo la hadlayay telefishenka NBC News. Wuxuuna intaa raaciyay in xaaladda ay kasii dareyso oo bilaha soo socda ee April iyo May ay noqon doonaan kuwa ugu daran.

Dadka qaba fayraska corona ee ku nool New York ayaa ah boqolkiiba shan guud ahaan tirada dadka uu ku dhacay xanuunka ee caalamka oo dhan. Haseyeeshee dowladda dhexe ee Mareykanka ayuu Mr de Blasio ku eedeeyay in sidii la rabay aanay uga jawaabin.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in qalab caafimaad loo kala diray gobollada Mareykanka, gaar ahaan kuwa uu aadka u saameeyay.

Qeyla dhaanta ka soo yeertay gobolka New York ayaa timid maalma uun kaddib markii Dowladda Turkiga ay sheegtay in gargaar caafimaad ay u dirtay dalka Mareykanka, sida uu qoray wargeyska The New York Times.

Gargaarkan ayaa ah qalabka lagu baaro fayraska corona oo gaaraya 500,000 oo Turkiga uu u diray dalka Mareykanka.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii xukuumadda Washington ay Ankara ka codsatay in laga caawiyo qalabkaas, waxaana arrintan xaqiijiyay wasiirka caafimmaadka ee Turkiga, Fahrettin Koca, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Mr Koca ayaa mar uu khudbad ka jeedinayay baarlamaanka wadankaas waxaa uu sheegay in ay doonayaan sidii loo xoojin lahaa baaritaanada gudaha dalka Turkiga.

Wasiirka ayaa sheegay in maalintii ay qorsheynayaan in xanuunka ay ka baaraan 10 kun illaa 15 kun oo qof, wuxuu intaa raaciyay in haatan ay baareen dad ka badan 10 kun.

Xanuunka corona ayaa fara ba’an ku haya dalal badan oo caalamka ah, waxaana ugu daran dalalka Talyaaniga iyo Spain oo dad badan ay ugu dhinteen maalmihii lasoo dhaafay.

Xigasho: Bbcsomali

Leave a Reply