Itoobiya oo Xidhay Xuduudaha ay la Wadaagto Waddamada Dariska

0
484

Adis-ababa (Dawan)Ra’iisalwasaaraha dalka Itoobiya, Dr. Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in la xidhay xuduudaha Itoobiya la wadaagto dalalka dariska gaar ahaan dadka soo galaya.

Si xannuunka faafitaankiisa loo xakameeyo waxa ay dawladu uqoondaysay lacag dhan 5 bilyan oo birr.

Dhinaca kale dadka diyaaradaha ku imanaya waxaa ku waajib ah inay 14 maalmood ku sugnaadaan Skylight Hotel iyo Ghiyon Hotel, iyagoo wixii kharashaad ah iska bixin doona.

Muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee aan kharashkaas iska bixin karayn dawlada ayaa ka bixin doonta.

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abey Axmed

Leave a Reply