Wasiirka Biyaha Somaliland oo Maareyaasha wakaaladaha iyo Isu-duwayaasha Wasaaradda amar Adag Dul dhigay

0
585

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye, ayaa maareeyayaasha wakaaladaha biyaha iyo isu-duwayaasha wasaaradda ee goboladda iyo degmooyinka dalka ku amray, inay la shaqeeyaan guddida heer Qaran ee la shaqeyneysa ka hortaga xannuunka Corona-vires.

Wasiirka biyuhu waxaa uu sidoo kale sheegay in wasaaraddoodu goboladda iyo degmooyinka dalka u kala diri doonto tawaangida biyaha lagu shubto iyo saabuunta faraha llagu maydho, islamarkaana la hawlgelin doono dhammaan xuduudaha dalka dalka laga soo gallo.

Dhanka kale waxaa uu wasiirku bulshada Somaliland u soo jeediyey in ay marba la socdaan talaabada ay qaadan guddida heer Qaran ee ka hortaga xannuunka Corona.
“Waxaa aan faraya dhammaanba maareeyayaasha isu-duwayaasha, wakaaladaha biyaha, ee degmooyinka iyo goboladdaba, inay la shaqeeyaan guddida heer Qaran, heer gobol, heer degmo ee hawshaasi u xilsaraan.

Halkan waxaa aanu ka diri doona hadii ILLAAHEY yidhaaho dhammaanba taangiyaddi oo biyihii ku jiraan, saabuuntii waxaa aynu u diri doonaa goboladda iyo degmooyinka”

Waxaa kale oo uu wasiirku xusay in wasaaraddoodu ay guddida heer Qaran ee ka hortaga Carona ay ku wareejin doonnaan kun kartoon oo sabuunta gacmaha lagu maydha ah iyo booyaddo biya dhaamis oo dhammaan loo kala diri doono goboladda iyo degmooyinka dalka “Waxaan halkan ka dirayna oo aanu biri ku wareejin doona guddida heer Qaran, kun kartoon oo sabuuntii falaxalka ah, waxa aynu halkan ka diri doonaa ilaa 20-booyadood oo loo kala diri doono goboladda oo dhan, waxaana aynu u diri doona garamadii”

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye

Leave a Reply