Di’itaanka Roobabka Gu’ga oo ka bilaabmay Gobolka Karkaar-Puntland

0
670

Qardho (Dawan) Guud ahaan gobolada Puntland waxaa maalmihii la soo dhaafay si wayn uga da’ayay roobabka Guga, jawiga ayaa ahaa mid kulul maalmihii la soo dhaafay, Deegaanada Puntland, ayaaa in badan oo ka mid ah waxa aan helin roobkii gu’ga, meelaha raxmadaas helay waxaa ka mid Magaalada Qardho iyo nawaaxigeed.

Roobab da’ay 24kii saac ee la soo dhaafay ayaa saamayn ku yeeshay isu-socodka dadka iyo Ganacsigga .

Saaka ayaa lagu waaberiistay iyadoo wadooyinka ay jiifaan biyo sidoo kalena qaarkood ay qul-qulayaan biyo xoog leh,  oo ka soo rogmaday dooxooyinka iyo buuraha ku hareeraysan Magaalada Qardho oo raxmad fiican helay.

Duqa Degmada Qradho Cabdi Saciid Cismaan ayaa sheegay in dawladu waddo dadaalo ay kula tacaalayso biya badan ee sanadkasta magaalada ku soo fatahma, waxa uu sheegay in dhawr qorshe ay sameeyeen balse ay suurta-geliwaysa. shacabka ayuu ka codsaday in ay ilaaliyaan faya-dhawrka iyo cafimaadkooda.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in roobab fiican ay ka da’een degmooyinka Qardho, Shaxda, Waaciye, Bayla, Xubays iyo Xaafuun, waxa uu tilmaamey in wax khasaare ah uusan ka dhalan,Dadka reerguuraaga ah ayuu uga digay inay ku negaadaan meelaha khatarta ah sida doooxooyinka iyo Togaga maadama saadaasha cimiladu ay sheegayso roobab kale in ay soo socdaan.

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka Raxmaadkii EEBE oo ka curtay gobolka Karkaar/xuquuqda sawirka warbaahinta deegaanka

Leave a Reply