Khasaaraha ka Dhashay Roob Daybeylo Watay oo ka Da’ay Degmadda Shaxda ee Gobolka Xaysimo

0
1051

Shaxda (Dawan) Gudoomiyaha degmadda Shaxda ee gobolka Xaysimo mudane Cigaal Muuse Warsame sheegay in roob dabeylo wata oo ka da’ay degmaddaasi ay sababeen inay dumaan qeybo ka mid ah 20-guri oo daara iyo 80-kale oo isagu jira Buul Soomaaliyo iyo Sandaqado qoysas danyarihi lahaayeena oo degmada ku yiillay, halka uu badhkoodna saqafka ka qaaday, balse ma jiro wax dhimasho ama dhaawac ah roobkaasi dabaylaha watay uu geystay.

Sidoo kale waxaa uu xusay in dugsigii hoose dhexe iyo mid ka mida masaajidada degmadda uu qayb ahaan saqafka sare ka qaaday.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in tukaano iyo bakhaaro ay waxyeelo ka soo gaadhay maacuunkii hoos yaalay, waxaanu xukuumadda Somaliland oo uu madaxweynuhu ugu horeeyo ugu baaqay in dadkaasi loo soo gurmado.

Waxaanu gudoomiye Cigaal sidan ka sheegay wareysi uu khadka telefoonka ku siiyay wargeyska Dawan.

Gudoomiyaha degmadda Shaxda ee gobolka Xaysimo mudane Cigaal Muuse Warsame waxaa uu faahfaahin ka bixiyey ugu horeyn tiradda guryaha ay waxyeeladu ka soo gaadhay roobkaasi dabeylaha watay “Habbeen hore waxaa na helay roob, roobkaasi waxaa uu watay dabeylo, waxaaney dabeylahaasi geysteen waxyeelo guryihi waxna wey dumiyeen waxna Jiingadii ayay ka qaaday.

Waxaa dumey laba iyo labaatan guri oo daaro ah, waxaa jiray guryo yar yar oo qoysas danyarihi daganaayeen oo aqal Soomaaliyo iyo Sandaqado ahaa oo dumay oo iyagana tiradoodu dhan tahay 80 ayaa jira, waxaaney isugu jireen guryo deegaana oo dad degan yahay iyo kuwo meherado ah”

Gudoomiye Cigaal waxaa kale oo uu sheegay in ay waxyeelo soo gaadhay dugsigii hoose dhexe iyo mid ka mida masaajidada degmadaasi “Dugsigii hoose dhexe ee degmadda iyo mid ka mida masaajidada degmadatan waxaa qayb ahaan dabylahaasi waxaa ay ka qaadeen saqafka, bakhaaro iyo tukaano jiingadii ay dabeyshii ka qaaday oo wixii hoos yaalay ay khasaareen, majirto laakiin cid wax ku noqotay, Alxamdulilaah wax kale ma dhicin ee waxaa dhacay khasaare kale oo maala iyo hooyba”

Ugu danbeyn gudoomiye Cigaal waxaa uu xukuumadda oo uu madaxweynuhu ugu horeeyo ugu baaqay in dadkaasi guryuhu ka dummeen wax loo qabto “Madaxweynaha iyo hay’addaha kale ee dawlada waxaan ugu baaqaya oo aanu dooneynaa dadkaasi in wax loo qabto oo dawladda Somaliland isu taagto, hada baahiyaha kale ee deegaanku qabo waxaa ka mida adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo laydhkuba waa ay hooseeyaan waxaananu xukuumadda ka codsaneyna in arrimahaasi wax laga qabto, meeshuna waa sodin fog oo xuduud ku taala markastana waxaa ay u baahan tahay in sigaara looga war hayo”

Gaba-gabadii waxaa uu ka codsaday xukuumadda Somaliland in sidii ay wax ugala qabanlaheyd, adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo laydhka oo sheegay inay tayadoodu hooseyso.

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka Gudoomiyaha degmadda Shaxda ee gobolka Xaysimo mudane Cigaal Muuse Warsame/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply