Dawladda Somaliland oo Xuduudaha Dhulka Xidhay

0
878

Hargeysa-(Dawan)- Guddida heer qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland u xil-saartay  u diyaar-garowga iyo ka hortagga Xannuunka COVID19, ayaa xidhay xadka dhulka ah ee Somaliland  la leedahay Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Guddidu waxay sidaas ku sheegtay warsaxaafadeed xambaarsan go’aanno muhiim ah oo ay maanta soo saartay, kaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Dawladda Somaliland ee Dawan, waxaanu u qornaa sidan:-

“Waxa la xidhay dhamman xadka dhulka ah ee Somaliland ay la leedahay dalalka ITOOBIYA, DJIBUTI IYO SOOMAALIYA muddo 3 toddobaad ah, laga bilaabo 26th March 2020, 06:00 PM, waxa kaliya oo ka soo gudbi kara waxyaaabaha daruuriga ah sida Raashinka, Shidaalka, Daawooyinka iyo Agabyada kala duwan ee caafimaadka iyo Baddeecadaha Ganacsiga.”

 

 

Saciid Cagjar

Dawannews.com/Hargeysa

Leave a Reply