Wasiirkii Gaashaandhigga Sudan oo geeriyooday.

0
446

Khartuum (Dawan)- Afhayeen u hadlay Militariga Sudan ayaa xaqiijiyey, waxaa Koofurta Sudan ku geeriyooday Wasiirkii Gaashaandhigga dalkaas Sareeye Gaas Jamaaludiin Cumar Maxamed Ibraahim.

Afhayeenka ayaa sheegay in Wasiirka uu u dhintay Wadno Xanuun isaga oo ku howlan wada-xaajood u socda Dowladda Suudaan iyo dhaqdhaqaaqyada hubeysan ee saldhigga ku leh Magaalada Juba ee Caasimadda Koofurta Suudaan oo ka go’day dalkaas.

Waxa uu kamid ahaa Golaha KMG ah ee talada Suudaan la wareegtay, waxaana uu noqday Wasiirka Gaashaandhigga, waana shaqsi kaalin weyn ka qaatay qorshihii xilka looga tuuray Madaxweynihii Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir 11-kii April sanadkii hore 2019.

Noloshiisa shaqsiga ee Sareeye Gaas Jamaaludiin:

Jamaaludiin waxa uu kasoo deegaanka Xajarul Casa lee Gobolka Wabiga Nile, waxa uu ku xiran yahay Guutada 31-aad ee Kulliyadda Militariga Suudaan, waana saaxiibka ugu dhaw Cabdifitaax Al-burhaan.

Waxa uu kasoo shaqeeyay qaybta sirdoonka iyo militariga, waxaana marar aan kala fogeyn loo dalacsiiyay darajooyin ciidan, waa nin xubin kasoo noqday Golaha KMG Suudaan qaybta hoose ee aan awoodda badan lahayn, kadib waxa uu u gudbay madaxda sare, kolkii uu dalacsiiyay hoggaamiyihii isbadal doonka Suudaan Cabdifitaax Al-Burhaani oo ay saaxiib ahaayeen.

Sidoo kale waxa uu soo noqday Guddoomiyaha Golaha Amniga iyo difaaca Suudaan, waxa ay qaybtaas kasoo wada shaqeeyeen saraakiil laf dhabar u ahayd maamulkii Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa Jamaaludiin guddoon ugu dhigay guddi wada-xaajood ujooga Magaalada Juba oo ah Caasimadda Koofurta Suudaan si ay u dhameeyaan Wada-xaajoodyo Nabadeed oo ay la fureen dhinacyo hubeysan oo ku sugan Magaalada Juba.

Leave a Reply