Xukuumadda Somaliland oo go’aamo Culus kasoo Saartay Cudurka Coronavirus

0
449

Hargeysa _(Dawan)_Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maanta go’aamo culus kasoo Saartay ka hortaga Cudurka dunida Saamaynta badan ku yeeshay ee Coronavirus.

Guddoomiyaha guddiga ka hortaga Cudurka Coronavirus ahna Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Cumar Cabdilaahi Badde ayaa sheegay in Laga bilaabo maanta rakaabka kasoo dega garoomada diyaaradaha Somaliland  lahayn doona muddo 14 cisho oo ay bixin doonan qarashka ku baxaaya  .

Cumar Cabdilaahi Badde Waxa kale oo uu sheegay in Raashinka , Shidaalka iyo Dawooyinka mooye xuduudaha dalku ay xidhan yihiin laga bilaabo maanta wax isku gudbayaana aanay Jirin gaar ahaan dalalka Soomaaliya , Itoobiya iyo Jabuuti..

Wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland ahna guddoomiyaha guddiga qaran ee ka hortaga cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa Fasax geliyey shaqaalaha Wasaaraddaha iyo Ha’yaddaha  Dawladda marka laga reebo  Shaqaalaha Garoomada Diyaaradaha , Dekedaha , Bangiga iyo qeybo kamida shaqaalaha Wasaaradaha Caafimaadka , Warfaafinta iyo dawladaha hoose kuwaasi oo qaranka looga Maarmi Waayey.

 

Saciid Cagjar  /Dawannews.com

Leave a Reply