Badhasaabka Togdheer Oo Baabuur Ku Wareejiyay Degmadda Qoryaale

0
470

Burco (Dawan): Badhasaabka gobolka Togdheer ayaa maanta baabuur weyn oo kuwa xamuulka ah ku wareejiyay maamulka degmadda Qoryaale, oo ka tirsan gobolkaasi.

Baabuurkaasi oo noociisu ahaa Iska-Rogo, ayaa loogu tallo galay in uu noqdo mid loogu adeego bulshadda degmadda Qoryaale.

Munaasibadii wareejinta baabuurkaasi waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa degmadda Qoryaale, xildhibaan Mubaarig Bidhi oo ka tirsan golaha degaanka Burco lagana soo doorto Qoryaale.

Badhasaabka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, ayaa bogaadiyay tallaabada ay muujiyeen maamulka degmadda Qoryaale, ee ay baabuurkan ku iibsadeen.

Waxaanu u mahad celiyay wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka baanka dhexe oo kala shaqeeyay in lacagta lagu iibiyay baabuurkaasi horumarin lagu sii siiyo.

Maamulka degmadda Qoryaale, ayaa sheegay in ay baahi weyn u qabeen baabuurkaasi. Kaasoo ay ka iibsadeen miisaanidda degmadoodda.

Geesta kale xildhibaan Bidhi, ayaa ku bogaadiyay maamulka degmadda Qoryaale dedaalkoodda ay ku muujiyeen in ay baabuurkan iibsadaan.

Isagoona xusay in ay ka degmo ahaan la shaqayn doonaan maamulka Qoryaale, maadaama oo ay dedaal sameeyeen.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply