Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Baanka Adduunka ugu Baaqay inuu Kala Saaro Somaliland iyo Soomaaliya

0
514

Hargeysa-(Dawan)-Guddoomiye xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa caddeeyey inuu baanka adduunku ka leexday dariiqii saxda ahaa ee dunida inteeda kaleba kula macaamisho Somaliland oo ah sidii dal u madax-bannaan.

 

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Bangiyada dunida ugu baaqay in ay Somaliland ula Macaamilaan Sida ay dunidu ula dhaqanto oo ah dal ka madax banaan Soomaaliya, “waxaynnu isku raacsannahay in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo jaar ah oo walaalo ah, Baankana waxannu leenahay waxa ku waajib ah inuu ula kala dhaqmo Soomaaliya iyo Somaliland, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliyana 1991-kii baa isugu dambaysay wax-isugu-jirkoodii, inkasta oo aynaan helin ictiraaf, haddana dunidu waxay inoola dhaqantaa Somaliland ahaan, waxannu doonaynaa inuu Baankuna Somaliland ula dhaqmo Somaliland, wixii la siinayona toos loo siiyo oo aan cidna loo soo marin.” ayuu yidhi .

 

Leave a Reply