Daawo Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ku eedeeyay In uu u Ololeynayay In Xubintiisa Dib loogu Soo Celiyo

0
637

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi (Siraadle) kana mida mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland oo afaafka hore ee aqalka baarlamaanka warbaahinta kula hadlay, ayaa gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ku eedeeyay in uu u ololeynaya sidii xubintiisa dib loogu soo celinlahaa.
Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi Siraadle isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Arrinta ku saabsan doorashooyinka in la helo in si deg degga loo geli karro, in goluhu isu yimaado iyadda oo xaaladdaasi lagu jiro.
Laakiin nasiib daro waxaa dhacday dhaqan inagu cusubna ah siyaasadda Somaliland iyo odaynimadda iyo xisbinimadana gef ku ah, in gudoomiye dhan oo xisbi uu ka soo daba ololeeyay ninkii uu soo magacaabay, warbixinta isoo gaadhaysaana waxaa weeye gudoomiye Faysal Cali Waraabe, in uu xildhibaano fara badan oo golaha fadhiyey uu la hadlay kuwana fariimo u soo gudbiyey oo uu leeyahay ii soo celiya xubinta Cabdifataax, Cabdifataax markii la celiyeyna waxaa ay noqotay waad iska taqaanin dhaqanka golaha in aan labadii nin la kala saarin anigu waan u codeeyay, ninka la yidhaaho Cabdikariin Sheekh Axmed Dalmar oo aanu isku degmo nahay, oo degmadda Ceerigaabo isku nahay waan u codeeyay, laakiin ayaandaradda dhacday waxaa ay aheyd fariinta la leeyahay waxaa ay ka timid Faysal Cali Waraabe ii soo celiya Cabdifataax oo ka horeeyay Cabdifataax markii la celiyey raggi kalena waa ay iska wada aamuseen, ayaandara ugu weyn ee meesha ka dhacdayna waxaa masuul ka ah Faysal Cali Waraabe wixi doorashadaasi la xidhiidha ee dib u dhacana isaga ayaa sabab u ah”

Sawirka xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi Siraadle kana mida mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland

Halkan ka Daawo

Leave a Reply