Somaliland — Suuqa Weyn ee Magaalada Hargeysa oo Bando lagu Soo Rogayo

0
753

Hargeysa (Dawan) Duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa ku dhawaaqay in habeenimada Salaasada todobadda fiidnimo laga bibaalo uu bando yahay suuqa weyn ee magaalada Hargeysi.

Sidoo kale waxaa uu xusay in uu jiro olole nadaafadeed oo laga sameyn doono, maalinimadda ka horeysa, iyada oo uu tilmaamay in guud ahaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Hargeysi laga sameyn doono olole nadaafadeed islamarkaana ay ka qayb qaadan doonaan dhammaan bulshaweynta magaalada qaybaheeda kala duwani.

Duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) isaga oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlayana waxaa uu yidhi “Maalinimadda Isniinta habbeenimadka Salaasadu soo galeyso todobadda habeenimo magaalada gudaheedu waa bandoo, waxaana la sameynaya buufin maalinimadda ka horeysana waxaa jira olole olole lagu nadiifinayo magaalada oo xaafadaha oo dhan ka qayb galayaan iyo banneynta inta u dhaxeysa Tiyaatarka ama New Hargeysa ilaa Gooladda Jig-jiga-yar, waana la baneyn doona wixii meherado ah ee ku yaala, goobaha lagu qayilayana waxaa ciidamada iyo gudiyada nabadgeliyadu ay kugu soo geli doonaan iyaga oo shaanbuugyadoodii sita”

Dhanka kale waxaa uu caddeeyay in masaajidada salaadkasta intaan la galin lagu sameyn doono buufin, si aan dadka wax fiyras ahi uga soo raacin “Masaajidada waxaa la sameyn doona in iyagana salaad kastaba horteed la buufiyo, wakhtiga ay u cayimeen dhakhaatiirtu si wakhtiga salaada loogu tukanayo goob kasta uu u yimaado qofkiisu isaga oo aan goobtaasi wax Vires ahi ka raaceyn”

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka Duqa Caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan maxamuud Caydiid (Soltelco), oo sheegay in habeenimadda Salaasalada Bando lagu soo rogi doono suuqa weyn ee magaalada Hargeysa, maalinta ka horeysana la buufin doono

Leave a Reply