Somaliland: Waxa aynu dhufays ugu jirnaa halis dahsoon! Faallo. Saleeban Kalshaale

0
969
Dabeysha Covid19, duruufaha caalamka, dareenka shacabka Somaliland iyo talaabooyin darruuri u ah Qaranka..W/Q. Saleeban Cabdi Cali Kalshaale..
Durba isbedel, ayaa laga dareemayaa nololsha caadiga ah ee bulshada dhexdeeda.
Marka loo kuur-galo hadal haynta iyo haasawaha dadweynaha, Waxa jirta cabsi caafimaad, welwel nololleed iyo jahawareer ruux kastaa ka qabo sida uu sebenkan xaalka adduunku yahay  iyo meesha wax u socdaan, iyadoo uu qof waliba aragtidiisa shakhsiga ah iyo xeel-dheeridiisa tacliimeed ku cabirayo aafo aan aqoon iyo waayo-aragnimo hore loo lahayn oo maalmo tirsan, todobaadyo iyo bilo aad u kooban, sida roob dabeylo wataan dunida ku faaftay.
Dadka reer Somaliland waxa ay si’ lamida caalamka waajahayaan casharkii ugu adkaa ee xaqiiqada nololsha iyo caqabado aan la qiyaasi karin oo u badan dhinacyada dhaqaalaha, helida quutal-daruurriga iyo xoriyada aasaasiga ah, waxaana hubaal ah in wax kastaaba sidii ay ahaan jireen aanay sii ahaan doonin, iminkana daruurraha isbedelku waxay saameeyeen qaybo badan.
Hase ahaatee, waxa lala halgamayaa oo gaashaan aan wali la mid  loo xidhay xakamaynta col iyo cadaawe ka halis badan hantaaqooyinka iyo harraatimaha ka dhashay amma mardhow ka dhalan doona xannibaadaha la soo dersay qaybo badan oo kamida kaabeyaasha aasaasiga ah iyo illihii ay bulshadu ku tiirsanayd.
Caabuqa Corona Virus (Covid19) ee sida hargabka dhibacaha lagu aqoonsadaa yihiin, qufac qalallan, xumad, garaaca lafaha iyo Hindhisadu, waxa adduunka ugu dhintay dad kor u dhaafaya 32,000 ruux, waxa uu asiibay 685,462 qof, waxaana duradiisa ka soo kabtay 146,400 kiis, waxaanu sii fidiyaa dalal cusub, shanta qaaradoodna waa masiibo isaga gudubtay laga soo bilaabo bishii December ee sanadkii 2019.
Waa kuma Covid19?
Caalim iyo caamo bulsho weynta caalamka ma jiro qof u haya jawaab sax ah oo loogu yeedho cudurkan, hase ahaatee tilmaanta ugu fudud ee lagu sheegi karaa waxa ay tahay in uu yahay “dilaa dahsoon oo aan lahayn daawo iyo dabiib lagula eerto, dadkuna si sahlan isagu gudbin karaan”, kaasoo dhinaca kalena dunida saboolka ah uga dhigan dhagar-side  simay tagooggooyinka Dawladdaha adduunka ee hore isugu taag iyo tamar sheegtay.
Somaliland ilaa iyo iminka ma jiro kiis la xidhiidha cudurkaas oo ay shaaciyeen Hay’addaha caafimaadka iyo laamaha kale ee dawladdu u-xilsaartay ka hortaga caabuqaasi, waxayse deris iyo deegaan-wadaag la tahay dalalka Soomaaliya, Djibouti iyo Itoobiya oo dhamaantood la xaqiijiyey Kiisas caabuqaasi ah.
Balse waxa ay somaliland dunida oo dhan kala mid tahay, caqabadaha isbarkan ee uu sababay cudurkani, kuwaasoo ay waliba uga  nugushahay Dalal badan oo ka hooseeya heerka lagu qiimeeyo dawladdaha isbixin kara la tacaamulka duruufaha qalafsan ee adduunka soo food-saaray.
“Waxa aynu haysanaa waa wax xadiddan, laakiinse waxa kaliya ee alle inaguma keenee aynu kaga badbaadi karnaa waa inaga oo ka hortagna, oo qaadana tallooyinka iyo awaamiirta loo arko in laga badbaadi karo”ayaa hal-ku-dhig u ah masuuliyiinta, aqoonyahanka iyo haldoorka  Jamhuuriyada Somaliland ee ka hadlay dedaallada lagu xakamaynayo in uu dalka ku soo fido.
Waxa xaqiiqo ah in dawladda Somaliland iyo shacabkeedu alle inaguma keenee haddii uu cudurkaasi dilaaco dalka aanay lahayn awood lagu samato bixiyo kuwa uu asiibo, dabar lagaga xakameeyo dadka fayow iyo inkaaniyaad ku filan oo lagaga jawaabi karo boqolaal Kiis.
Haddana, sidaasoo ay yahay duruufo badan oo ku lamaan hab-nololleedka bulshada ayaan saamaxayn in talaabo kasta oo kamida qorshaha  ka-hortaga sideeda loo fuliyo, sida in aan guryaha laga soo bixin, in la joojiyo wax kasta oo xadadka ka soo gudbaya iyo aanay dadku isu soo dhawaan oo ah waxyaabaha ugu sahlan ee uu qof waliba samayn karo.
“qof waliba ma gaadhibuu helayaa uu keligii raaco. annagu illaahaybaanu talo saaranay oo baskaa wixii soo raaca waanu qaadaynaa, waayo marka horeba wax hagaagsan maanu ka helayn maalintii oo dhan markaanu shaqaynayno”sidaasi waxa ii sheegay mid kamida wadeyaasha Gaadiidka dadweynaha ee magaalada Hargeysa ka shaqeeya oo aad uga walaacsan caqabadaha helidiisa dhaqaale soo waajahaya marka la xadiddo rakaabka ay qaadi karaan gaadiidka ay ku shaqaystaan.
Dadka ku shaqaysta makhaayadaha laga cunteeyo, kuwa laga shaaho iyo majaaliista lagu qayilo, ayaa iyaguna la walbahaarsan cunoqabateyn iyo cidhiidhi ay u arkaan awaamiirta lagu soo rogay, laakiisne diidmo iyo yeelmo midkay doonaanba haku buksadaana, waxa ay ku khasban yihiin in ay qayb ka noqdaan halganka loogu jiro badbaadinta caafimaadka qaranka.
Maxaa dhiman ee qaranka la gudboon?
Si kastaba xaalku ha noqdee, su’aasha ugu mudan in la isweydiiyaa waxa ay tahay maxaa dhiman ee aynu qaran ahaan ku talaabsan karnaa marka laga hadlayo qorshaha ka hortaga?
Waxa muhiim ah in shaqada  Guddida heer qaran ee ka-hortaga cudurkani noqoto mid daadegsan ilaa heer gobol, degmo iyo deegaan, lana isticmaalo hadallo shacabka culimadiisa iyo caamadiisuba ay si fudud  ugu yiqiinsan karaan dhibaatada xakamaynteeda lala hirdamayo.
Waxa kale oo iyaduna lama huraan ah, in ay guddida madaxweyne ku-xigeenku hormuudka u yahay ay hogaamiyaan abaabul qaran lagu xoojinayo cududda dhaqaale ee lagaga hortegayo cudurkan, isla markaana lagu fududdeynayo howlaha guddida, wacyi-gelinta iyo haqab-beelka agabka caafimaadka ee loo baahan yahay.
Xoojinta cududda dhaqaale, waxa fure u ah in la sameeyo sanduuq lagu uruuriyo kaalmo dhaqaale oo qayb kasta dadweynaha qof walba wuxuu heli karo ku shubo, kaasoo Kun shillin iyo malaayiin shillin ruux waliba hayntiisa ku taageero, waxaana talaabadaasi goor horeba sameeyey oo in lagu bogaadiyo mudan dhalinyarada magaalada Boorama ee la baxay (Borama One Dollar).
Waxa kale ahmiyaddeeda leh in ay buug iyo qallin ku qorsheeyaan guddida heer qaran odoroska xaalad kasta oo la waajihi karo, iyadoo ay xusid mudan tahay in howsha guddidu ilaa iminka si fiican u socoto.
Bulshada Somaliland, waxa la gudboon in ay dhego-nugayl iyo dhibirsanaan dhab ah u yeeshaan dhambaallada ku saabsan ka-hortaga cudurkan ee uga imanaya Dawladda, khubarada caafimaadka iyo wax-aqoonka dalka, si gaar ahna u tix-geliyaan awaamiirta iyo go’aamadda guddida qaranka u xilsaaran ka hortaga Covid19.
Geesta kale, wariyeyaasha iyo qalabka Warbaahinta ee gudaha iyo dibada ka shaqeeya, waxa la gudboon in ay ka digtoonaadaan faafinta xog kasta oo aan hubinti lahayn, halisna gelin karta xasiloonida qaranka iyo quluubta Shacabka, waxaana masuuliyadaha saaran kamida in ay xaqiiqo raadin iyo daba-gal ku sameeyaan howlaha la qabtay, sida loo fuliyey iyo dayac kasta oo khatartu ka faa’idaysan karto.

Ugu dambeyn, dadka reer Somaliland dawlad iyo shacab waxa hurran in ay dhufays adag difaac uga galaan alle ha inaga badbaadiyee cudurka aan daawada lahayn ee dunida halakeeyey ee COVID19. “waxaanan la dagaalamaynaa halis aan inoo muuqan”.

Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Email: curad198@hotmail.com
Dawan Group

Leave a Reply