Jarmalka oo Qalab Caafimaad u diiday Isreal

0
574

Ra’isul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay inay diiday codsi Ra’isul wasaaraha Isreal Binyamin Netanyahu uu kaga dalbanayay Jarmalka inay ka iibiyaan Mishiinada caawiya dadka neefsashadu ku adagtahay sida ay qortay jariidada Yedioth Ahronoth.

Labada hoggaamiye ayaa ku wadahadalay khadka Telefoonka, waxaana uu ka codsaday ra’isul wasaare Benyamin in dalkiisa laga iibiyo mishiinadaas si ay ula dagaalamaanka Cudurka Coronavirus ee adduunka saameeyeen.

Hay’adda Sirdoonka Isreal ee MOSSAD iyo Guddiga Amniga ayaa sameeyay koox khuburro iyo ganacsato isugu jira oo dalka dibadiisa ka soo iibiya qalabka muhiimka ah u ah in lagu dagaalamo coronavirus, islamarkaana lagu badbaadiyo dadka la ildaran ama laga cabsi qabo inuu ku dhaco cudurku.

Dad ka badan 3500 qof ayuu ku dhacay cudurka Coronavirus dalka isreal, waxaana u geeriyooday ilaa 12 Qof

Leave a Reply