Hargeysa: Guddida u Diyaar-garwga Covid-19 oo Agab la Wareegay

0
526

Hargeysa—Masuuliyiinta wasaaradda horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa agab kala duwan oo kuwa nadaafada iyo fay-dhawrka isugu jira ku wareejiyey guddida u diyaar-garawga iyo ka hortagga Xannuunka Karona Fayras.

Ugu horayn waxa munaasibad kooban oo lagu qabtay wasaaradda horumarinta Biyaha ka hadlay wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Muuse Diiriye, oo xubnaha guddidaas oo uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenku ku soo dhaweeyey halkaasi, wuxuuna wasiirku sheegay in agabkaas oo isugu jira Taangiyada Biyaha lagu shubto iyo agabka loo isticmaalo nadiifinta iyo fayo-dhawrka ay ugu talo galkeen inay kaga qayb qaataan hawlaha ka hortaga Xannuunka Karona Fayras.

Geesta kale, waxa halkaas ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee u diyaar garawga iyo ka hortagga Xannuunka Korona Fayras, isagoo u mahad celiyey Masuuliyiinta wasaaradda horumarinta Biyaha, isla markaasna ka gudoomay agabkaas kala duwan ee ay wasaaradda Biyuhu ugu talo gashay inay kaga qayb qaataan fayo-dhawrka iyo kor u qaadida nadaafadda, wuxuuna madaxweyne ku xigeenku sheegay in agabkaas ay la wareegeen la gaadhsiin doono meela ay dadku ku badan yihiin sida Jeelasha iyo cusbitaalada.

Leave a Reply