Dadka U Dhimanaaya Coronavirus Oo Sii Kordhaaya Dalka Maraykanka

0
502

Washitoon (Dawan)- Tirada dadka Wadanka Mareykanka ugu dhintay coronavirus  ayaa kor u dhaafay 3,000 oo qof, sida lagu sheegay xog ay sii daayay Isniintii shalay Jaamacadda Johns Hopkins.

Dhaqaatiirta ku hawlan la tacaalida coronavirus ayaa sheegay in ay rajeynayaan in ilaa 200,000 oo qof ay u dhintaan cudurka ‘coronavirus’ haddii jawaabta Mareykanka ay noqoto mid dhamaystiran.

Mareykanka ayaa noqday dalka uu sareeya heerka fiditaanka cudurka coronavirus, waxaana ku xiga Talyaaniga, Spain iyo Shiinaha tan iyo markuu fayraska ka soo bilawday magaalada Wuhan ee Shiinaha bishii Diseembar 2019.

Waxaa jira 784,314 kiis oo la xaqiijiyay oo ah coronavirus adduunka oo idil iyo 37,638 dhimasho ah, sida uu sheegay Johns Hopkins. 165,288 ayaa ka soo kabatay cudurka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply