Sool: Baabuurta Rakaabka Ka Soo Qaada Soomaaliya Oo La Mamnuucay

0
532

Laascaanood (Dawan): Maamulka gobolka Sool  ee Somaliland ayaa soo saaray go’aamo lagaga gaashaamanayo in uu dalka ku soo faafo xanuunka dunida aafeeyay ee Covid19.

Waxaanay  sheegeen in la joojiyay gaadiidka dadka rakaabka ah sida ee  ka yimaadda dhinaca Soomaaliya marka laga reebo kuwa sida daawooyinka, shiidaalka iyo waxyaabaha daruuriga ah.

Sida uu sheegay badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, kadib kulamo iyo shirar ay yeesheen guddiga ka hor taga Covid19 ee gobolkaasi iyo masuuliyiinta heer gobol md degmo.

Si aad ahna u derseen xaaladaha taagan iyo arrimaha sababi kara soo gudubka iyo faafintaanka  xanuunka Corona Virus waxay soo saareen  go’aamo shan qodob ka kooban.

“Ujeedo:- Go’aamo ku saabsan Covid-19.

Markaanu darisnay dhibaatooyinka saf-marka noqon kara ee caabuqa Covid-19, markaanu eegnay arrimaha sababi kara soo gudubkiisa iyo faafintiisa waxaan go’aansanay Qodobadan Soo socda:

1.Laga bilaabo maalinnimada berito oo ku beegan 31/03/2020 waxaa dhammaan la joojiyey dadka rakaabka ah ee ka imanaya Soomaaliya, xadka gobolku la leeyahay-na ka soo gudbaya. Keliya waxaa ka soo gudbi kara lana ogol yahay Raashinka, shidaalka, daawooyinka iyo waxyaabaha asaasiga ah.

2.Waxaan faraynaa hantiilayaasha iyo maamulada Hoteelada inaysan qaban karin munaasibadaha Aroosyada, Siminaarada iyo nooc kasta oo kulamo dadwayne ah”.

Geesta kale waxaa la faray ganacsatadda in aanay wax sicir-barar ah ku samayn qiimaha maciishadda, iyagoo ka faa’iidaysanaya xaaladda taagan.

“3.waxaan Faraynaa Ganacsatada si masuuliyad leh in aanay samayn karin Sixir barar iyo kor u kac ku yimaada Maceeshada Daruuriga ah saamaynta caabuqa Covid-19 dartii, waana inay u tudhaan bulshadooda.

4.Caabuqa Coronavirus-ka oo ah mid caalamiya oo saf mara ayaan rajaynnaya idinkuna boorinyaa in lagu baraarugsanaado ka hortagiisa isla markaana loo dhego furnaado go’aamada aan uga gol leennahay ka hortagiisa iyadoo la raacayo awaamiirta laga soo saaro.

5.Qodobada kor ku xusan cidii qaadan wayda oo ka dhega adkaata waxaa laga qaadayaa talaabo sharciya”ayaa lagu soo gebagabeeyay go’aamadaasi.

 

 

Dawannewss.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply