“Iskuuladii lama fasaxin waxay ka furan yihiin guryaha iyo Internet-ka”….

0
474

Hargaysa (Dawan): Wasiirka waxbarashadda Somaliland ayaa ku baaqay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo sidii ardayda duruusta loogu gaadhsiin lahaa guryahoodda mudadda ay iskuuladu xidhan yihiin.

Maadaama dhamaanba dugsiyadda waxbarashadda dalku ay muddo afar todobaad ah xidhnaanayaan,  Kadib markii dhawaan ay sidaa amar ku soo saareen guddiga heer qaran ee  ka diyaar garawga Covid19 ee Somaliland.

Waxaanu sheegay in dugsiyadda gaarka loo leeyahay, kuwa dawliga ah iyo wasaaradda waxbarashadu ay ka wada shaqeeyaan sidii ardayda waxbarashadda loogu sii wadi lahaa mudadda ay dugsiyadu xidhan yihiin.

Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), waxa uu sidan ka sheegay  kulan uu maanta la yeeshay  maamuleyaasha iyo mulkiileyaasha dugsiyadda gaarka loo lee yahay ee Hargaysa.

Kulankaasi ayaa u jeedadiisu ahayd sidii looga wada tashan lahaa saamaynta taban ee xanuunka Corona Virus uu ku yeeshay waxbarashadda, isla markaana laga faa’iidaysto fursadaha ardayda waxbarashadda lagu gaadhsiin karo.

Si loo yareeyo caqabadahan soo waajahay waxxbarashadda waxaa lagama maar-maan noqotay in wasaaradda waxbarashadda iyo dugsiyadda gaarka loo leeyahay ay arrintaasi tallo ka yeeshaa.

Lagana faa’iidaysto fursadaha laga heli karo dhinaca tignoolajiyadda inta dugsiyadu xidhan yihiin, sida uu sheegay wasiirka waxbarashadda oo hadal u jeedinayay masuuliyiinta uu maanta kulanka la yeeshay.

“U jeedadu waxay tahay, saamaynta taban ee ay waxbarashadii ku keeneen, sidee ayaynu  u yaraynaa iyo maxaa fursad ku jira  ee aynu ka faa’iidaysan karnaa.

Si loo yareeyo saamayntaa taban, waa in casharradii warbaahinta la mariyo iyo Internet-ka”ayuu yidhi wasiirka waxbarashadu.

Sidoo kale wasiirku waxa uu ku booriyay iskuuladda in ay ku dedaalaan in adeega Internet-ka  ay ardayda casharadda ku gaadhsiiyaan, haddii ay awoodi karaan.

“Dugsiyadu kuwa dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay-ba, dugsigii karaya in uu ardayda casharrada u mariyo habka Internet-ka ama qaybaha kala duwan ee baraha bulshadda ee Internt-ka, way wanaagsan tahay in ay isticmaalaan”ayuu yidhi Axmed Toorno.

Geesta kale wasiirku waxa uu sheegay in dugsiyadda dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay u siman yihiin wasaaradda waxbarashadda, isla markaana ay si wada jir ah u wada shaqaynayaan.

Waxaanu yidhi, “Si wada jir ah ayaynu u wada shaqaynaynaa dhamaanteenba. Dugsiyadda gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ah, waa isku mid wasaaradda waxbarashada-na way u siman yihiin”.

Dhinaca kale wasiir Axmed Toorno, ayaa ugu baaqay waalidiinta iyo macalimiinta-ba in ay ardayda la socod siiyaan in aan waxbarashadii la joojin, isla markaana laga sii waddo dhinaca warbaahinta.

“Waxaan halkan fariin uga dirayaa waalidka, macalimiinta iyo ardayda-ba, waa in aan fursadan uga faa’iidaysano, oo aan leeyahay dugsiyadii waxbarashadda lama fasaxin.

Iskuuladii way furan yihiin, waxaanay ka furan yihiin guryaha iyo warbaahinta iyo Internet-ka oo la isku marinayo”ayuu yidhi wasiirka waxbarashadda Somaliland.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply