Afrika Madaxweynihii U Horeeyey Oo U Geeriyooday dilaaga Coronavirus

0
411

Congo (Dawan)- Madaxweynihii hore ee Congo, Jacques Joaquim Yhombi-Opango ayaa ku dhintay magaalada Paris kaddib markii uu ku dhacay cudurka dilaaga ah ee Corona.

Madaxweynaha hore ee geeriyooday ayaa la sheegay inay da,diisu ahayd 81 jir, qoyskiisa ayaa sidoo kale sheegay inuu xanuunsaday markii uu ku dhacay feyraska Corona.

Mr Yhombi-Opango ayaa Congo ka talinayay sannadkii 1777-dii ilaa 1979-kii, xilliggaas oo xukunka ka tuuray madaxweynaha haatan xilka hayo ee Congo Denis Sassou Nguesso.

Waxana xusid mudan in uu Sannado badan xidhnaa, isaga oo noqday ra’iisul wasaare tan iyo sannadkii 1997-dii oo uu dalkaas ka qarxay dagaallo sokeeye.

Ka dib Wuxuu u cararay dalka Faransiiska ka hor intii aanu kusoo laaban dalkiisa halkaas muddo 10 sanno ah uu dibad joog ahaa.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply