Dalka Tanzania Oo Ku Dhawaaqay Qofkii Ugu Horreeyay Ee U Dhintay Covid-19

0
501

Dara Salaam (Dawan)- Wasaaradda caafimaadka ee dalka Tanzania ayaa shaaca ka qaaday qofkii ugu horreeyay ee uu dhintay cudurka Covid-19 ee ku dhaca neefmareenka ee Coronavirus ee aduunka faraha baas ku haya.

Qofka cudurka u dhintay ayaa ahaa nin u dhashay Tanzania iyada oo da,diisa lagu sheegay 49 jir, isaga oo hore u ahaa bukaan xanuuno kale qabay, isla markaana la dhigay Isbitaalka Mloganzila ee magaalada Dara Salaam halkaa oo uu ku dhintay.

Tanzania ayaa ilaa iyo hada xaqiijisay 18 qof oo uu ku dhacay coronavirus halka hal qofna uu ka bogsaday.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply