Baadari U Dhashay Dalka Uganda Oo Lagu Eedeeyey In Uu Dadka U Sheego In Aanu Cudurka Corona Ka Jirin Qaarada Afrika

0
448

Uganda (Dawan)- Dowladda Uganda ayaa ku eedaysay baadari dalkeeda u dhashay inuu dadka taabacsan u sheegay in cudurka safmarka ah ee Covid-19 aanu ka jirin qaaradda Afrika.

Dacwad oogayaasha ayaa Augustine Yiga ku eedeeyay inuu Jimcihii ka sheegay kaniisadda Revival Christian in cudurkaasi dilaaga ah aanu qaaradda ka jirin, hadalkaasi oo laga baahiyay telefishinnada maxalliga ah.

Baadari Augustine Yiga ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay.

“Sheegashada ah in Covid-19 aanu ka jirin Afrika gaar ahaan Uganda ayaa waxa ay caqabad ku tahay dedaalka dowladda ay kula tacaalayso cudurkaasi safmarka ah, waxaana ay khatar gelinaysaa noolashada shacabka,” ayuu yiri afhayeenka booliska Uganda, Patrick Onyango oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Haddii lagu helo dacwadan loo haysto, baadariga ayaa mutaysan doona illaa todoba sano oo xabsi ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply