Magaalada Hargeysa oo laga Bilaabay Buufin ka Dhan ah Xannuunka Coronavirus

0
1151

Hargeysa (Dawan) Guddida ka hortaga xannuunka Covid-19 ee caasimada Hargeysa iyo maamulka dawlada hoose ayaa si wada jira olole nadaafadeed uga fuliyey magaalada Hargeysa, gaar ahaana degmada Ibraahim Koodbuur.

Hawlgalkan ayaa mid lagu burburinayay goobaha ganacsi eek u yaala hareeraha waddooyinka ayaa waxaa faahfaahin ka bixiyey agaasimaha waaxda bilicda ee dalwada hoose ee Hargeysa mudane Khadar Yuusuf waxaanu sheegay in uu yahay mid dhammaan laga fulinayo degmooyinka kala duwan ee caasimada islamarkana lagu burburinay.

agaasimaha waaxda bilicda ee dalwada hoose ee Hargeysa mudane Khadar Yuusuf isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi  “Sidii caadiga aheyd waxaa weli socda ololayaashi is daba jooga ahaa ee guud ahaan degmooyinka caasimada intooda badan laga soo fuliyey, islamarkaana lagu beegsanayay meelaha lagu soo ururo sida makhaayadaha, kolayada jaadka iwm,, ee sharci darada ah islamarkaana wadooyinka cidhiidhiga ku hayay ee bilicda iyo caafimaadka bulshadaba halista ku ahaa,  ololuhu saaka lixdii subaxnimo ayuu billaabmay ilaa imikana si nabadgelkiyo ah ayuu ku soo gaadhay degmadda Ibraahim Koodbuur”

Agaasime Khadar waxaa uu sheegay in ka dawlad hoose ahaan ay kaantaroolka Barrie e magaalada Hargeysa ay geeyeen kooxo caafimaad oo buufiya dhammaan gaadiidka kala duwan ee ka soo galaya dhinaca kaantaroolkaasi, kana imanaya gobolada bariga “Saaka anaga oo oofineyna amarka Duqa caasimada waxaa aanu geynay kaantaroolka barri ee dhanka caasimada kooxihii buufinta, iyada oo gaadhi kasta oo bari ka yimaada la buufinayo maanta marka hawshaasina waa mid guula, hawlahayaguna xidhiidh ayay u socon doonaan habeen iyo maalinba”

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka agaasimaha waaxda bilicda ee dalwada hoose ee Hargeysa mudane Khadar Yuusuf

 

Leave a Reply