Somaliland oo Baadheysa Bulshadii ay la Xidhiidheen labada Qof ee laga Helay Coronavirus

0
472

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanu jirin kiis cusub oo ku soo kordhay labadii qof ee ay habeen hore shaaciyeen, in laga helay xannuunka Covid19 kuwaasi oo ku kala sugan magaalooyinka Burco iyo Berbera.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeye ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadka Somaliland ay waddo dabagalka dadkii ay la kulmeen labada qof ee laga helay xannuunka Corona-vures, islamarkaana ay bulshada si joogta ah ula wadaagi doonaan wixii warbixino ah ee soo kordha si ay u ogaadan hadba heerka uu marayo xannuunku.

“Imika kiisaskii aynu shalay ku dhawaaqnay inu dalka ka jiro Covid-19 shalay ayaana la xaqiijiyey ilaa imikana xaaladu waa sidii, welina waxaa aynu mareyna uun laba kiis, ay wado dabagalka dadkii ay la kulmeen kuwii ay is arkeena la baadhayo”

Agaasime Xergeeye ayaa xusay in wasaaraddoodu ay gobolada dalka ka diyaarisay goobo caafimaad oo lagu daweeyo dadka xannuunkani uu soo rito, waxaanu bulshada ka dalbaday cidi isku aragta calaamadaha lagu yaqaano xannuunkani uu isku karantinimeeyo gurigiisa, islamarkaana si deg degga ula soo xidhiidho wasaaradda caafimaadka si loogu gurmaddo “Xanuunkani waxaa uu u badan yahay xanuun aan ubaahneyn in cisbitaal la geeyo, laakiin kiisaska yar yare e u baahan in cisbitaalo la geeyo waxaa aanu diyaariney oo goboladdana ka diyaara, caasimadana ka diyaara meelihii la geyn lahaa.

Waxaana ugu horeeya cisbitaalka ku yaala xaafadda Sheekh Nuur oo aanu soo dhammeystiray oo u diraya hadii ay kiisas soo baxaan la geeyo, waxaa kale oo diyaara cisbitaalka TB-da oo hadii kiisas dheeradihii yimaadan isagana la isticmaali doono, gobolka Awdal isagana cisbitaalka Xayaat ayaa ka diyaara, Berbera cisbitaal ku dhaw kii kale ayaa diyaara, Burcana waa diyaar, marka kiisaskii u baahda cisbitaal meelahaasi ayaa lagu daweyn doona oo aanu dadka u sheegaynaa waxaa jira baabuur wacyigelinaya dadka oo makarafoono ay wasaaraddu saartay”

khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office 

Sawirka agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye

Leave a Reply