Somaliland Oo Ka Hadashay Joojinta Diyaaradda Ethiopian Airline

0
546

Hargaysa (Dawan): Xukuumadd Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay hadal haynta ku saabsan safarka ay diyaaradda Ethiopian Airline ku timaado dalka, xili uu xawli ku fidiyo caabuqa Covid-19.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa sheegay in dadka ay diyaaradaasi ka keento dalka Itoobiya ay u badan yihiin dad reer Somaliland, isla markaana tikadhada goostay.

Sidaas darteedna ay u cuntami wayday in ay dadkaasi joojiyaan, balse ay dhawaan soo saareen go’aamo lagu xanibayo dadka ka imaya qaaradaha Yrurub iyo America.

Saleebaan Cali Koore, oo u waramay BBC waxa kaloo wax laga waydiiyay sababta aan ilaa hadda Somaliland u joojinin qaadka uga yimaadda Itoobiya.

Dawannews.om/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply