Togdheer: Guddiga Ka Hor Taga Covid19 Oo Awaamiir Ku Soo Rogay Bulshadda

0
498

Burco (Dawa): Guddiga ka diyaar garawga gobolka Togdheer ayaa maanta soo saaray  go’aamo kala duwan oo bulshadda gobolkaasi lagaga wacyigelinayo xanuunka Corona Virus.

Awaamiirta ay soo saareen guddigaasi waxaa ka mid ahaa in la mamnuucay dhamaanba goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan iyo in aan hudheeladda lagu qaban Karin wax xaflado ah.

Go’aamadaasi ayay guddigu ku sheegeen in looga dan leeyahay si kor loogu qaado nadaafadda,  loona ilaaliyo guud ahaanba caafimaadka bulshadda.

Sidoo kale awaamiirta guddiga waxaa ka mid ahaa digniin loo diray Malcaamado la sheegay in dib loo furay iyo in bulshadda gobolkaasi ay u dhego-nug-laadaan fariimaha wacyigelinta ah.

Badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Cabdi Maxamed, oo xubin ka ah guddiga gobolkaasi ka hor taga Covid19 ayaa  qodobadda go’aamadda ay soo saareen u akhriyay warbaahinta.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply