Duqa Degmadda Gabiley oo ku Dhawaaqay Hadal Farax-geliyey Bulshada Degmadda Gabiley

0
581

Gabiley (Dawan) Duqa degmadda Gabiley mudane Maxamed Amiin Cuumar Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in ay raashin u qaybin doonaan 170 qoys oo danyara.
Waxaa uu sheegay in ay yihiin hooyooyinkii danyarta ahaa Quutal maalmeedkooda kala soo bixi jiray nusa-saacaha ay ku iibin jireen dugsiyadda wax laga barto ee ku yaala afarta xaafadood ee magaalada Gabiley
Duqa degmadda Gabiley mudane Maxamed Amiin Cuumar Cabdi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “170 qoys oo a h hooyooyinkii danyarta ahaa ee nusasaacaha ku hor iibin jiray, dugsiyadda afarta xaafadood ee magaalada Gabiley, waxaa aanu maalinta barriya INSHA ALLAH aanu u qaybin doona raashin ay quutaan mudada fasaxa lagu jiro, waxananu ugu geyn doona guryahooda si sharafi ay ku jirto”

Sawirka Duqa degmada Gabiley mudane Maxamed Amiin Cabdi Cumar/xuquuqda Sawirka Lamaaj

Leave a Reply