Xanjada Oo La Ogaadey Inay Door Weyn Ka Qaadato Miisaanka Qofka Oo Dhaca.

0
1163

Daraasad dhowan la sameeyey ayaa lagu cadeeyey in xanjadu ay saamayn weyn ku lee dahay qofka cunaaya, gaar ahaana dadka buur buuran ama miisaankoodu culus yahay, iyada oo hab togan u saamaysa jidhka qofka.

Natiijadda daraasaddan ayaa lagu sheegay in Xanjadu ay rido culayska marka uu qofku cuno isaga oo lugaynaaya ama soconaaya,  iyada oo ay khubarradda daraasaddan samaysay ay natiijadda ku soo bandhigeen shirkii ka hortagga Buurnida ee dhowaan ka dhacay dalka Austria.

Intii ay daraasaddani wadeen koox reer Japan ah oo iyagu sameeyey  waxa tijaabooyin lagu sameeyey  dad kala duwan oo gaadhaaya 46 maxbuus, kuwaas oo loo qaybiyey kartoono yar yar oo xanjo ah, waxaanay dadkan da’doodu u dhaxaysay 21-ka sanno iyo 69 jiro , kuwaas oo loo qaybiyey  laba kooxood, waxaana kooxdii kowaad la siiyey laba kartoon oo yar yar oo ay ku jirto xanjo, kuwaas oo  loogu talo galay  in ay ku cunaan  iyaga oo soconaaya.

Kooxda labaad ayaa iyagana la siiyey  kartoono yar yar oo xanjo ah , kuwaas oo lagu amray in ay cunaan iyaga oo iska fadhiya, waxaana mid walba loo qabtay in uu xanjadaasi cuno  muddo 15 Minutes ah.

Natiijaddan ayaa cadaysay in calashiga Xanjadu uu keeno in jidhku si xoogan u shaqeeyo , sidoo kalena uu isticmaalo tamar badan, taas  oo keenaysa in jidhku gubo waxyaalo badan oo sababi lahaa in jidhku sii cuslaato, waxaana taas ka duwan xanjadda lagu calaliyo iyadda oo la fadhiyo, taas ayaan lahayn wax faa’ido ah sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska Japan Times oo uu wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay.

 

 

Leave a Reply