Nadaafadda Goobaha Raashinka

0
552

Waxa jirta fikrad si weyn loo aaminsan yahay oo faaftay taasi oo ah in Xamaamku yahay xarunta bakteeriyada ee guriga.  Laakiin daraasad cusub ayaa soo saartay in arinkaasi aanu ahayn mid siidiisa u wada run ah, iyadoo madbakhu noqday kan ay bakteeriyadu kaga badan tahay  xamaamka.

Daraasadan ayaa dadka ku dhiirigelisay inay ku dadalaan nadaafadda Madabakha iyo agabaka yaala si loo xakameeyo bakhteeriyada guriga.  In la nadiifiyo midiyaha, weelka  iyo qalabka looxa ka samaysan ee la adeegsado ayaa muhiim ah.  Waxa kale oo ay daraasadu ku talisay in la kala saaro qalabka loo adeegsado googaynta hilibka iyo kan loo adeegsado khudarada, si loo joojiyo isu gudbka ama qulqulka bakteeriyada (Cross infection).

2- Khaanadaha kabadhada Madbakha oo an aan lagu ridin wax cunto ah aya iyana muhim ah.

3- Maydhisa joogto oo lagu sameeyo Madbakha iyo xamaamkaba loona adeegsado dareeraha uskaga lagu istcmaalo. Warbixintan ayaa cadaysay inay dadku xooga saaran nadaafadda xamaamka , laakiin ay dhayalsadaan tan madbakha oo ah goobtii cuntada oo u baahan in laga ilaaliyo Bakhteeriyda, iyadoo hilibka iyo khudaarta la keenayo ay la socoto Bakteeriya.

Leave a Reply