Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland oo Meel Mariyey Amar Kasoo Baxay Madaxweyne Biixi

0
595

Ciidanka ilaaladda xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fuliyey uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku bixiyey in kor loo qaado wax soosaarka dalka si looga gaashanto isbedelka uu dunida ku keenay fayraska COVID-19.

 

Qaybta saddexaad ee ciidanka ilaaladda xeebaha Somaliland ee taliskoodu yahay xarunta degmada Maydhan ee gobolka Sanaag ayaa badda kasoo saaray xaddi kalluun oo aad tiro badan si looga maarmo ku tirsanaanta dalalka shisheeyey islamarkaana looga hortaga cunto yaraan soo foodsaarta dalka .

 

Taliyaha ciidanka badda qaybta saddexaad ee gobolka Sanaag , Ganshaale Ismaaciil Maxamed Yuusuf oo ku dheerday muhiimada wax soosaarku u leeyahay dalka ayaa yidhi “ waxa aanu samaynay wax soosaar aanu u kacna dhinaca badda , saddex laash waxa ay keenen laba boqol iyo konton kiilo oo kalluuna noocyada , derreg , tabedin , Saynuub iyo noocyo kale waana nimcada taalla dalkeen “

 

Ganshaale Ismaaciil Maxamed Yuusuf  ayaa sheegay in ay sii waddayaan wax soosaarka badda , waxaanu xukuumadda ka codsaday in laga caawiyo agabka kalluumaysiga “Waxanu doonaynaa in dawladda oo talyhuhu u horeeya na siiso gadiidkii , laashashkii iyo dhammaan agabkii kalluumaysiga si ciidankiisu horumar ugu samayn lahaa waxsoosaarka badda , waana mid aanu sii waddo doono insha alla “ ayuu yidhi

 

talaabadan ayaa noqonaysa mid loo qaad dhinaca wax soosaarka dalka oo inta badan ku tiirsan waxa debadda laga keeno.

Leave a Reply