Dallada Ururrada aan dawliga ahayn oo ku dhawaaqay talaabooyin ay ku xoojinayaan Olollaha qaran ee xakamaynta Covid19

0
709

Qore. Saleeban Kalshaale

“xannuunkan xakamayntiisa masuuliyad-baa inaga saaran qof kasta, qoys ilaa qaran…”Guddoomiyaha Dallada Sonsaf Anwar Cabdiraxmaan

Hargeysa(Dawan)-Dallada Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay qorsheyaal ay ugu talo-galeenxakamaynta iyo ka hortaga cudurka corona virus, kuwaasoo ay ku xoojinayaan deddaalada dawladdu wado ee la xidhiidha la-tacaalida caabuqaasi.

Guddoomiyaha Dallada ay ku bahoobeen Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland (SONSAF), Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo Axada maanta wargeyska Dawan ugu waramay magaalada Hargeysa, maalin kaddib kulan dhex maray Sabtidii guddida heer qaran ee ka hortaga Corona Virus iyo wakiillo ka socda ururrada bulsahda rayidka ah, ayaa sheegay in Ururrada Bulshadu sameeyeen madal ay ugu talo-galeen in ay ku wadaagaan xogaha iyo xaaladaha la xidhiidha Caabuqa adduunka ku faafay ee Corona Virus, isla markaana ku mideeyeen cududdooda xakamaynta cudurkaasi oo ay dhawaan bilaabi doonaan.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ay Ururrada Bulshadda rayidka ahi dhexdooda iska xulleen sagaal xubnood oo ka kala socda Gobolada Somaliland oo si dhow ula shaqaynaya Guddida heer qaran ee Ka-hortaga Covid19, xubnahaasoo sida uu sheegay kala qaybqaadanaya howlaha wacyi-gelinta bulshada guddida madaxweyne ku-xigeenku hogaaminayo ee heer qaran.
“guddida heer qaran isfaham fiican ayaa na dhex maray, waxaanan isla qaadanay in howlaha aanu hayno ku soo xidhno guddida qaranka, sidaas darteed waxaanu iska dhex saarnay sagaal xubnood oo ka soo jeeda lixda Gobol ee somaliland. sagaalkaas xubnood waxa ay si buuxda ula shaqayn doonaan Guddida heer qaran ee ka hortaga masiibada Corona Virus”. ayuu yidhi Anwar.
Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata uu yidhi “markaa maalmaha soo socda waxaanu bilaabi doonaa ka ururro bulsho ahaan wacyi-gelin balaadhan oo aanu guud ahaan somaliland oo dhan ka bilaabi doono, waxaanan isticmaali doonaa qaybaha warbaahinta”.

Madaxa dallada Ururrada an dawliga ahayn ee SONSAF, waxa uu tilmaamay in aanay wali wax muuqdaa iska bedelin hab-dhaqankii dadweynaha ee isugu imaatinka goobaha lagu kulmo, sida maqaaxiyaha shaaha, Hudheellada, Marshafyada qayilaada iyo meelaha kale saxmada leh, taasoo muujinaysa jiriraanka khatar aan la dhayalsan karin oo bulshada ku gedaaman, sidaas darteed loo baahan yahay in ay dadku aqbalaan tallooyinka iyo awaamiirta dawladda ee ka hortaga cudurka Corona Virus.

“waxaad moodaa Dadkeena reer Somaliland in aanay ka dhaadhacsanayn dhibaatada uu xannuunkani leeyahay, waxa laysugu imanayaa meelihii buuqa ahaa ee la yidhi yaan laysugu imanin, markaa waxa weeye in dadkii la wacyi-geliyo oo adduunkii dhan waxa laga waydi waayey in dadka la wacyi-geliyo, waxaanan soo jeedinaynaa in ahmiyada koowaad la siiyo in dadka la wacyi-geliyo”ayuu yidhi Anwar.

Somaliland, laba Kiis ayaa ilaa iminka la xaqiijiyey in uu asiibay caabuqa Corona Virus ee dalka Shiinaha ka dilaacay bishii December ee sanadkii 2019, waxaana jira dedaallo ay dawladda iyo qaybaha kale ee hormuudka bulshadu kaga hortegayaan in cudurkaasi ku faafo dalka “maadaama aanu nahay Ururradii bulshada mar kasta waxaanu nahay cida ugu dhow ee bulshada la shaqaysa, sidaa awgeedbaanu wakhti horeba isu abaabulnay in aanu samayno madallo aanu kula socono xannuunkan xogtiisa gudaha iyo ta caalamkaba”ayuu ku sheegay waraysiga Anwar Cabdiraxmaan Warsame.

Anwar, waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in cudurkani alle inaguma keenee uu yahay masiibo wax aan ku talo-gal lahayn oo adduunka ka dilaacday “sidaas darteed way jirtaa in aynaan haysan inkaaniyad inagu filan oo ay cudurkan kula tacaali karaynaa oo wadamadii waaweynaa ee adduunka ayaa dalbanaya in laga caawiyo waxyaabihii daruuriga ahaa, sid shaybaadhka, laakiinse wixii itaalkeena ah iminka gacanta ayeynu ku haysaanaa, caalamkana waa u qayshanaynaa oo waxaan leenahay hanala soo gaadho”.

Ugu dambeyn waxa uu farriin u diray bulshada Somaliland oo ugu baaqay “xannuunkan Covid19 xakamayntiisa masuuliyadbaa ka saaran qof kasta, qoys ilaa qaran. ujeedaduna waxa weeye Aabaha afar ubad ah dhalay, masuuliyadbaa ka saaran in uu Ubadkiisa iyo Ooridiisa guriga ku hayo oo aanay dibada u soo bixin. adduunka oo dhami waxa uu isku waafaqsan yahay in cudurkan lagaga badbaadayo in cid waliba gurigeeda joogto”ayuu yidhi.

Leave a Reply