Dawlada Somaliland oo Shaacisay Natiijada Dad laga Baadhay Xannuunka Cornovirus

0
491

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in ilaa hada aanay jirin cid kale oo xukuumaddu u diwaangelisay inay qabaan xannuunka Covid-19 oo ku soo biiray labadii qof ee ay hore u shaaciyeen.

Agaasimaha guud wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in shalay oo kaliya ay baadhis caafimaad oo la xidhiidha xumadda xannuunka Covid-19 laga baadhay dad tiradooda lagu qiyaasay kun todoba boqol kob iyo sideetan qof, oo xuduudaha kala duwan ee dalka ka soo gudbay ee waddanka soo galay “Waxaa kale oo aanu bulshaweynta u sheegaynaa in xumadd laga eegay dad ay tiradoodu dhan tahay kun iyo todoba boqol iyo kob iyo sideetan qof, oo aan qofna lagu arag, waa shalay weeyaan dadkaani aan wax xumadda iyo calaamadihi oo dadkaasi ay ka soo galleen meelaha kala duwan ee xuduudaha ah.

Waxaa kale oo aanu sheegay in aanu diyaariney cisbitaaladii waddanka, iyadda oo uu diyaar yahay cisbitaalkii Hargeysa, cisbitaalka Daryeel uu diyaar yahay qalabkii loo baahnaana la geeyay, waxaa kale oo isna diyaara cisbitaalka Xayaat, goboladda Saaxil iyo Togdheerna iyadana waxaa aanu ka diyaariney cisbitaaladii, iyada oo Sanaag iyo Sool la isticmaali doono cisbitaalada hada jira”

Dr. Xergeeye waxaa kale oo uu caddeeyay inay karan-tinimeeyeen boqol iyo todoba qof oo ka kala yimid dalalka dibada ee uu xannuunkani ka dilaacay, waxaanay xusay in ay dul dhigeen ilaalo gaara islamarkaana aan lagu arag astaamaha xannuunka, heynayaana muddo laba todobaada lana siin deyn doono “Waxaa hada karantiin ku jira boqol iyo todoba qof oo ah dadkii dibadaha ka yimid ee gaar ahaana ka yimid meelihii uu xannuunkani ka jiray, ilaa hadana dadkaasi waxaa lagu haya ilaalo, hase ahaate ma jiro qof leh calaamadihii waana dad dibadaha ka yimid la eegayo muddo 14-caano maala, lana hayo lana ilaalinayo, wax calaamada iyo wax xannuuna oo ka soo baxayna ilaa hada ma jiraan”

khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Leave a Reply