Daawo: Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo la Kulmay Qaramada Midoobay

0
929

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa maanta furay shirka Wacigelinta Heer Qaran ee COVID19 oo ay wada yeesheen wasaaradda warfaafinta iyo hay’addaha Qaramada Midoobay ee Somaliland.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo ugu horrayn shirka ka hadlay ayaa tilmaamay doorka wasaaradda ee ka-hortagga iyo wacyigelinta xanuunka adduunka faraha baas ku haya ee Coronavirus. Waxana uu hoosta ka xariiqay in wasaaraddu diyaarisay qorshaha Qaran ee Wacyigelinta COVID19, isaga oo usoo jeediyey in dhammaan hay’addaha Qaramada Midoobay ee shirkaa kasoo qayb galay ay kaalin muuqata ka qaataan dedaallada wacyigelinta ee ay wasaaraddu waddo.

 

Cabdi Askar oo ku hadlay afka hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa wasaaradda warfaafinta ku bogaadiyey qabashada shirkan, isaga ooo sheegay in shirkan la qabtay xilligii ku habboonaa, wuxuuna ballan qaaday in ay wasaaradda ku garab istaagi doonaan higelinta Qorshaha Wacyigelinta Qaranka.

 

Geesta kale, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee wasaaradda warfaafinta C/qaadir Dayib Akar oo madasha ka hadalay ayaa sharraxaad kasoo qayb galayaasha shirka ka siiyey Qorshaha Qaran ee Wacyigelinta xanuunka Coronavirus. Agaasimaha ayaa sidoo kale dul istaagay doorka looga baahanayahay hay’addahaha Qaramada Midoobay in ay ku yeeshaan fulinta qorsha wacyigelinta.

 

Gabagabadii shirkaana waxa laysla qaatay in la mideeyo tacabka iyo dedeaallada lagu xaqiiinayo in farriimaha wacyigelineed wada gaadheen dhammaan bulshada Jamhuuriyadda iyada oo la raacayo Qorshaha Wacyigelineed ee wasaaraddu diyaarisay.

 

Halkan Ka Daawo Muqaalka 

 

Dawannews@gmail.com

Dawannnews.com

Hargeysa/Somalilan

Leave a Reply