Dawlada Hoose Gabilay oo Deeq Raashin ah U Qaybisay 150 Qoys oo Danyara

0
488

Gabiley (Dawan) Dhawaan ayay aheyd markii fasax la galiyey guud ahaan goobaha waxbarasho ee dalka.

Hadaba fasaxa la geliyey dugsiyadda waxbarashadu waxaa ay saameyn ku yeesheen hooyooyinkii nusa-saacaha ku iibin jiray iskuuladaas.

Dawladda hoose ee degmadda Gabiley ayaa ka mida kuwa gurmadka u fidiyey ee caawiyey hooyooyin danyara oo ay si toosa u sameysay fasaxa iskuulaadku waxaaney boqol iyo todobaatan qoys ay u qaybisay raashin loogu talo galay muddo bila inay isticmaala’aan.

Duqa degmadda Gabiley waxaa uu sheegay in ay deeqdani sii socon doonto ilaa inta xaaladdani taagan tahay.
Duqa golaha deegaanka ee degmadda Gabiley mudane Maxamed Amiin Cabdi Cumar ayaa ka hadlay deeqda raashinka ah ee iyaga iyo xafiiska diwaanka sakada ee degmaddu ay u qaybiyeen qoysaaskaasi danyarta ah “Boqol iyo todobaatanka qoys ee dadka jilicdasan, ee dadka iskuuladda wax ku hor iibin jiray, ayaanu duruuftooda nololeed wax ka qabaneyna intii awoodeena ah, iyada oo aanu anaga iyo xafiiska diwaanka sakadu aanu balanqaadeyno si gaara qolooyinka qolooyinka iskuulada wax ku hor iibin jiray inta duruuftaasi taagan tahay ILLAAHEY inagu raajin maaye in aanu joogto u noqoneyso.
Raashinka aanu maanta u dhigeyna waa raashinkii ay bil ku noolan lahaayeen, bisha bisheeda hadii aanay xaaladu isbadelin sidaasi uunba loogu geyn doonaa”\

khadarhoryaal@gmail.com
Dawan/Hargeysa/Office

Leave a Reply