Suldaan Maxamed Suldaan Axmed oo waano u jeediyey madaxdhaqameedka tumaya durbaanka wada-hadallada Soomaaliya

0
1184

Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa madaxda dhaqanka ee dhigiisa ah ugu baaqay in ay dawladda uga dambeeyaan arrimaha Siyaasiga, ilaalinta sharciga iyo igmanaanta qadiyada masiiriga ah ee qaranka, isagoo daba socda durbaan siyaasaddeed oo maalmihii u dambeeyey ay tumayeen isimo dalka iyo dibada ku sugan oo ku doodday in wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya laga talo geliyo, taasoo uu suldaanku ku tilmaamay xad-gudub iyo xakame la’aan aan looga baran hogaanka dhaqanka.

Suldaan Maxamed oo kamida isimada ay saldanadoodu awoowyo soo jirtay, ayaa isagoo Sabtidii warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, tilmaamay in madaxbanaanida Somaliland ku taagantahay tobanaan hogaamiye Ciidan iyo kumanaan Halyey dhiigoodii, in ay dheelidaana ka dhigan tahay in la dafiray wixii ay raggaasi u dhinteen.

Waxa kale oo uu tilmaamay Suldaanku in dawladda Soomaaliya madaxda hogaaminaysa ay mac iyo la-taliyeyaal u yihiin rag aaminsan in xasuuqii dadka reer Somaliland xaq ahaa, isagoo xubno kamidana magac-dhabay.

Suldaanku waxa uu si qoto dhee uga sheekeeyey sooyaalka madaxda dhaqanka iyo kaalintii ay ku lahaayeen arrimaha siyaasada, xornimo-doonka iyo horumarka bulshada.

“Arrinta wadahadallada hadaanu nahay madaxdhaqameedka Somaliland waxaanu ku barbar taaganahay xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Muuse Biixi Cabdi”ayuu raaciyey isagoo saluugsan hadallo ka soo yeedhay xubno kamida Madaxdhaqameedka dalka oo arrintaasi gacan-togaalaynaya.

Halkan ka Daawo Muuqaal arrimaasi uu kaga hadlay Suldaan Maxamed Suldaan Axmed.

Todobaadkii la soo dhaafay, ayey ahayd markii ay warbaahinta ka soo muuqdeen xubno kamida Isimada dhaqanka oo ku dooddaya in laga talogeliyo arrimaha wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo aan wakhtigan sooba naaso-caddeyn, taasoo dadka siyaasadda goofaadhiyaa ku tilmaameen deg deg iyo deel-qaaf.

Leave a Reply