Tirada dadka u geeriyooday coronavirus oo kor u dhaaftay 65,000

0
626

Tirada kiisaska dunida ee uu ku dhacay coronavirus ayaa dhaaftay 1.2 milyan iyadoo 65,000 oo qofna ay cudurkan u geeriyoodeen illaa markii uu coronavirus ka dillaacay Shiinaha dhammaadkii sannadkii hore sida ay ku warameyso xog aruurin ay baahisay jaamacadda Johns Hopkins.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu galayo “waqti noqonaya mid aad u argagax badan.”

“Tani waxay u badan tahay inay noqon doonto todobaadkii ugu adkaa ” ayuu yidhi Trump oo Aqalka Cad kula hadlayay wariyeyaasha waxaana uu sheegay in “dhimasho badan ay jiri doonto.”

Dad ka badan 45,000 oo qof ayuu cudurka Coronavirus ku dilay dalalka reer Yurub. Dalka Britain ayaa soo warinaya in kiisaska dhimashadu ay kor u kacayaan iyadoo dalkaasi ay ku geeriyoodeen dad ka badan 4,300 oo qof.

Boqoradda dalkaasi Elizabeth II ayaa lagu wadaa iney jeediso khudbad naadir ah maanta oo Axad ah si loogu booriyo dadka in ay u istaagaan sidii looga guuleysan lahaa caqabadaha cudurka coronavirus.

Boqoradda ayaa si gaar ah ugu mahadcelin doonta shaqaalaha caafimaadka ee safka hore kaga jira la tacaalidda cudurkan oo loo yaqaan COVID19.

“Waxaan rajeynayaa in sannadaha soo socda uu qof kasta awoodi doono inuu ku faano sidii ay uga jawaabeen caqabadan,” ayaa la soo wariyey iney khudbaddeeda ku sheegi doonta sida ay tilmaamayaan nuqullo la sii baahiyey Sabtidii shalay.

Cudurkan safmareenka ah ayaa carqalad geliyey dhaqaalaha adduunka, iyada oo la xidhay ganacsiyadii dadkana lagu qasbay iney guryahooda joogaan.

Dowladdaha qaar ayaa meelmariyey xidhmooyin lacag ah oo lagu kabayo dhaqaalaha, hase ahaatee dhaqaala-yahannada ayaa ka digaya in dhaqaalaha dunidu uu hoos u sii liicayo xilli ay malaayiin dad ahna ay wajahayaan heerarka faqriga ka dib markii ay lumen shaqooyinkoodii.

Xigasho : AFP

 

Dawannews@gmail.com

Dawannnews.com

Hargeysa/Somaliland.

Leave a Reply