Haku Mashquulin Dadka Kale!

0
957

Denbiyada waxa asal u ah oo keena Kibirka waana kan Ibliis naarta geliyay, Jacaylka iyo  in Aduunyada lagu dadaalo waa kii ka soo saaray Janada Nebi Adam (cs). Xasadka isna waa kan ku kelifay in Nebi Adam wiilkiisa (Qabiil)  uu dilo walaalkii  (Habiil).

  • Caalamadaha liibaanta iyo nolosha wanaagsan waxa ka mid ah : Mar kasta oo adoonka uu u korodho cilmi waxa u kordha tawaaduc iyo is dhul dhiga aan kibir lahayn, mar kasta oo uu u kordho aduunyo na waxa bata taxadarkiisa iyo cabsidiisa uu Allah (sw) ka baqanayo, mar kasta oo uu u kordho sharaf iyo derejona waxa u sii siyaada u dhowaanashaha uu dadka usii dhowaanayo iyo buuxinta baahiyahooda.
  • Wanaag waxa helay qofka kaga mashquula ceebihiisa , ceebaha  dadka kale. Waxaana jabay kan ilooba ceebihiisa oo u banbaxa sheegidda ceebaha dadka kale.
  • Dadka qaarkood way ku jecel yihiin markay doonayaan, waana ay ku iloobaan marka ay rabaan. Jacaylkooda iyo nacaybkoodu waa mid iyaga ku xidhan waxa haddana ay doonaynaa in aanad adigu is bedeelin.
  • Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply