Coron-Virus Iyo Xafladaha Cajiibka Ah!

0
705

Dalka Japan iyo dunida guud ahaan waxa la joojiyay munaasabadaha qalin-jabinta cudurka faafa ee coronavirus awgeed.  Haddaba waxa cajiib noqotay xaflada qalin jebinah oo Jaamacad ku taalla dalka Japan u qabatay afar arday oo dhamaystay jaamacadda.

Jaamacaddan oo lagu magacaabo Breakthrough University oo Tokyo ku taalla ayaa xafladda ku soo bandhigtay Robotyo ku lebisan dirayska qalin jebinta ardayda,.

“Wajiyada” robots-ka ayaa iyagana ay muuqatay wajiyada ardayda qalin jabisay, kuwaas oo gurigooda ka xakamaynayay robotyada iyagoo adeegsanaya kambuyuutaro.

“Waxaan u maleynayaa inay runtii arinkani yahay khibrad iyo aqoon cusub oo aan ku qaadan karo shahaado iyadoo aanan tegin goobaha shacabku ku badan yahay inta aan ku jiro wakhtiga xanuunka Covid 19. Waxaana sidaa tidhi Ardayada Kazuki Tamura oo ka mid ahayd ardayda qaadaynaysa shaahadda Masterka, iyadoo adeegsanaysa Kumbuyutarkeeda gacanta isla markaana maamulaysa oo hagaysa Robotka wejigeeda xidhan. Gudoomiyaha Jaamacadda ayaa sheegay inay rajeynayaan in qaabkan ay soo bandhigtay ay adeegsan doonaan dugsiyo iyo Jaamacado kale oo doonaya inay ka fogaadaan isu imaatinka dadka badan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply