Maalin Keliya Ayay Maalqabeen Wada Noqdeen

0
637

Antonino Fernandez wuxuu ku dhashay tuulada Cerezales del Condado ee dalka Spain sanadkii 1917, laakiin wuxu u guuray dalka Mexico sanadkii 1949 isaga xaaskiisu wakhtigaasi oo da’diisu ahayd 32 jir . Dalkaasi ayuu ka bilaabay ganacsi waxaana uu  noqday maalqabeen caan ah.

 

Antonino Fernandez  wuxu dhintay bishii August 2016 , waxaan uu ka tegay hanti dhan $ 284 milyan taasi oo uu dardaaran ku bixiyay in loo qaybiyo dadkii deganaa tuulada uu ku dhashay ee Spain kuwaasi oo tiradoodu dhamayd 80 qof, iyadoo qof kasta la siiyay lacag $ 3.36  milyan.

 

Wakhtigana dhimashadiisu waxa ay bedeshay nolosha dadka tuulada, kuwaasi oo isu wada rogay maalqabeeno.  Waxa kale oo lacagtiisa looga dhisay tuulada xarun dhaqameed lagu xusuusto.  Da’diisa ayaa ahayd markii u dhintay 99 sano.

Laakiin sida la cadeeyay Antonino Fernandez marnaba ma iloobin dalkiisa waxaana la siiyay  shahaado sharafyo lagu maamuusay   wakhtigii talada uu hayay boqorkii hore King Juan Carlos mucaaawinyoon sadaqada ah uu siin jiray bulshada iyo deegaanada kala duwan ee dalkiisa Spain.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply