Saamaynta Xaaladadaha Ee Dadka Iyo Xayawaanka

0
508

Sheeko uu qoray ninka lagu magacaabo Yukio Tsuchiya oo markii u horaysay lagu daabacay dalka Japan sanadkii 1951 ayaa ahayd qiso dhab ah oo ku saabsan Maroodigii ku noolaa xerooyinka lagu hayo xaywaanka ee dalkaasi intii lagu jiray dagaalkii labaad ee dunida.

Buuga ayaa lagu cadeeyay in ciidanka Japan dawladda ka codsadeen in la sumeeyo dhamaan xayawaanka lagu hayo xeryaha, taasi oo ay sheegeen inay halis ku yihiin dadka.

Saraakiish ciidanku waxay ka cabsi qabeen in xayawaankani ay xeryaha ka cararaan oo dhibaaoto u geystaan dadweynaha guud ahaan haddii bam lagu qarxiyo meel u dhow xaeryaha lagu hayo.

Dawladda ayaa wakhtigaasi ku dhaqaaqday inay sunta xayawaanka loogu talo galay siiso dhamaan xayawaanka lagu hayo xeryaha, kuwaasi oo dhamaantood wada dhintay.

Waxase yaab noqotay in suntaasi uu cuni waayay Maroodigu, oo haba yaraatee aanu taaban, iyagoo xayawaankii kale ay agtiisa ku wada dhiteen muddo yar ka dib, laakiin Maroodiga ayaa isagu xeryahay ugu dhintay gaajo ka dib markii aan wax raashin ah la siin.

Maroodiyaashan iyo xayawaanka kale ee la gumaaday ayaa hadda loogu dabaaldega xero xayawaan oo quruxda badan oo dalkaasi ku taalla. Qoraaga Tsukiya ayaa sheegay in qisaskan uu u qoray si ay caruurtu u ogaadaan cabsida iyo murugada uu keeno dagaalku.

Dr. Betsy Hearne oo ah macalin sare oo jaamacadaha Japan waxa ka dhiga ayaa yidhi :” Xaqiiqdii sheekadu waa mid caan ah, sida Yukio Tsuchiya uu usoo bandhigay ” The Elephants of Faith ”. waxayna muujinaysaa  Dabeecadda dhabta ah ee Xayawaanka, Dadka, iyo Dagaalka sida ay isu saameeyaan oo amaan xumidu ay u keenayso in meel kasta ay taabato.

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply