Madaxwaynaha Somaliland iyo Labada Xisbi Mucaarid ayaa Daboolka ka Qaaday in Dib loogu Noqonayo Labadii Xubnood

0
767

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo gudoomiyayaasha labada xisbi mucaarid, ayaa caddeeyay in mar kale golaha wakiiladda Somaliland lagu celin doono labadii xubnood ee ay hore u diideen ansixintooda.

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in arrintan ay anbiil ka qaadan doonaan, islamarkaana marka uu goluhu fasaxa ka soo laabto kol kale hor-geyn doonaan labadaasi xubnood si loo ansixiyo, waxaanu xusay in arrintaasi isla qaateen shir-gudoonka labada gole ee Baarlamaanka Somaliland “Horta doorasho warkeeda halkaasi ayaa la dhigay oo caalamkii bahasha inagu eryi jirtay oo tu ka culus ayaa timid, teenana waxan oo aan ka baxno mooyaane xalkeed ma yaalo, xoogeenuna waxaa uu ku jira tan sidii looga bixilahaa, waxaanse leeyahay wixii sharciya ee jira in la dhammeeyo, bari dhaweyd laba koomishan oo ka soo jeeda labada xisbi ayuu goluhu soo celiyay, maalintii horena waan ka hadlay waxaan ku idhi goluhu waa madax bannaan yahay, sharcigana iyaga ilaaliya inagu ilaaliya hadii aanu xukuumadda nahay.

Waxaanuse xaq uu leenahay wixii ay soo ceeliyey aanu aragno inay dani ku jirto in aanu kula noqono tallo oo aanu nidhaahno halkaa aad ka eegteen mooyaane bal hada halka kalena aan ka eegno, waanu is aragnay labada Shir-gudoon arrintaasi waan ula tagey, waananu ka wada hadalay waxaanu isla afgaraney in marka golaha wakiiladdu fasaxa ka soo noqdo aan ku soo celiyo labadii xubnood una waayo sheegano golaha, dhammaantood marka aanu u bandhigno kalana hadalo sababta ay u baahan tahay in la sii daayo, maanta midnimo ayeynu dooneyna, khilaaf ma rabno, khilaaf dheer oo laba sano ahna waynu ka soo baxney colaad ayaa ina heysa oo waakan cadawgu dusheena waxaa uu doono kaga hadlayaa, Somaliland sidana laga yeelaya iyo sidan ayaa laga yeelaya, xannuunkani ayaa midnimo u baahan, marka golahana anbiil ayaanu u sameyn doonaa iyaga oo xora oo doonaya waxaa ay doonaan inay sameeyaan, in arrintaasi mar labaad lagu noqdo oo labadaasi nina halka aanu joogno ee aanu ka eegayno ay nagala eegaan”

Dhankooda gudoomiyayaasha labada xisbi mucaarid ayaa go’aankaasi madaxweynaha soo dhaweeyey, waxaaney sheegeen in mar kale golaha dib loogu celin doono inay ansixiyaan labadii xubnood ee mucaaridku u soo xuleen koomiishanka doorashooyinka Somaliland.

khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Leave a Reply