Mudane Guurtidda ka Tirsanaa oo Hargeysa Ku Geeryooday.

0
549

Hargeysa (Dawan) ALLE ha u naxariistee waxa maanta ku geeriyooday   Magaalada Hargeysa, Marxuum Nuur Rayaale Khayre oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Guurtidda JSL, kaasi oo muddo shan maalmood ah u jiifay xannuun ku soo booday Cisbitaalka Royal ee caasimadda Hargeysa.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre waxa uu ka mid ahaa Xildhibaannada waayo-aragga ah ee Golaha Guurtidda, waxaanu golaha ku soo biiray sannadkii 1993kii. Muddaas dheerna wuxuu ahaa xildhibaannada kaalinta weyn ka soo qaatay nabadeyntii iyo dib u dhiskii dalka.

Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskiisii, ehelkii  iyo Golaha Guurtidda ee uu ka baxay Marxuum- Nuur Rayaale Khayre oo ILAAHAY uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii iyo ummadda reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA u xaqiijiyey in Marxuum-Nuur Rayaale Khayre maanta lagu aasayo magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal.

khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Marxuun Xildhibaan Nuur Riyaale Kheyre kana mid ahaa mudanayaasha golaha guurtidda ugu dada weyna

Leave a Reply